Home Wararka Somaliya Haween ka mid noqonaya Ciidamada Haramcad oo Tababar Loogu soo Xiray Turkiga...

Haween ka mid noqonaya Ciidamada Haramcad oo Tababar Loogu soo Xiray Turkiga (Sawiro)

0

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar)  ayaa dalka Turkiga tababar ugu soo xiray 49-gabdhood oo ka tirsan Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramacad oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga.

Taliyaha Booliska oo ka hadlayay munaasabada tababarka lagusoo xirayay, ayaa sheegay gabdhuhu in ay qaateen tababar heerkiisu sareeyo, oo qeyb ka qaadan doona dadaalka lagu xoojinayo dhismaha iyo tayeynta ciidamada Booliska Soomaaliya.

“Tababarkan wuxuu kamid yahay, tababarada howlgallada qaaska ah loo isticmaalo. Dufcada gabdhahani waa dufcadii ugu dambeysay ee uu tababarkani usoo xirmay,” ayuu yiri taliye Xijaar.

Waa cutubkii ugu horreeysay oo Gabdho ah kana tirsan ciidanka Booliska sida gaarka u tababaran ee Haramacad oo tababar kusoo qaata dalka Turkiga, iyadoona horey dalkaas ay tababar ugu soo qaateen Ciidamo farabadan oo ka tirsan Haramcad iyo kuwa Gorgor.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadan dib ugusoo celinaysa Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgallada Haramcad.

Ad
Previous articleSomaliland oo ka hadashay in ay qaabilayaan Qaxooti Afganistan laga soo daad gureeyay
Next articleGaadiid ka xayirnaa Galmudug oo Maanta lagu wareejiyay Galmudug Muddo ka dib (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here