Home galmudug Xog muhiim ah’ Maxay tahay qorshaha Dowlada ula wareegtay xaruunta madaxtooyada Galmudug...

Xog muhiim ah’ Maxay tahay qorshaha Dowlada ula wareegtay xaruunta madaxtooyada Galmudug ee Cadaado.

0

Dowlada somaliya ayaa habeen hore weerar ku qaaday xaruunta madaxtooyada Galmudug ee Cadaado halkaasi oo ciidan kale ay ku sugnaayeen kuwaasi oo aan raacsanen dhinaca Galmudug ee ku sugan halkaasi.

Sababta ciidanka dowlada somaliya ula wareegeen Xaruunta madaxtooyada ee xiligaasi ayaanan la ogeen hase yeeshee warar hada soo baxaya oo mudug24 heshay ayaa sheegaya in ciidanka dowlada ay wadaan qorsho dowlada somaliya ay ku sameeneyso doorasho cusub marka uu dhamaado xiliga madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle xaaf.

Dowlada Somaliya wafdi ka socda ayaa la filayaa in ay gaaraan magaalada Cadaado ee xaruunta Barlamanka Galmudug hase yeeshee lama shaacin nuuca safarkooda iyo waxa uu salka ku hayo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa aaminsan in waqtigiisa uu yahay mudo 4 sano ah madama la dortay halka dowlada somaliya oo fiirineysa dhanka sharciga ay u aragto in uu dhameenayo waqtiga ka haray xukuumadii hore.

Dowlada wali si dhab ah ugama hadlin hase yeeshee waxaa la filayaa in waqtiga doorashada ay ka hadasho iyadoo doorashada xiligaasi laga dhigayo mid weyn oo musharixiin badan isku soo sharaxayaan iyadoo dowlada goobjoog ka noqoneyso.

mudug24 Cadaado

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here