Home galmudug Taliska Ciidanka Nabad sugidda Galmudug oo xoojiyay Amaanka Degmada Caabudwaaq.

Taliska Ciidanka Nabad sugidda Galmudug oo xoojiyay Amaanka Degmada Caabudwaaq.

0

Xili la sii xoojiyay Howlgalada la xariira sugidda Nabadgalyada iyo amaanka deegaanda Galmudug ayaa Hogaanka Sare ee Ciidanka NISA Qaybtooda Galmudug Waxa ay Xoojiyeen Howlaha Amniga lagu sugayo.

Taliye Cabdi Maxamuud Jaamac,(Cabdi Dheere), Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mudane Mahad Cumar Cilmi, Golaha odayaasha iyo Ugaas Axmed Barre Cali (Taakooy) ayaa waxaa kormeer ay ku tageen Taliska ciidankan ka howl gala Amniga Caabudwaaq oo ay si wada jir ah ay ugu amaaneen shaqada ay ka hayaan deegaanka.

Waxaana ay u sheegeen Ciidankan in la siin doono mudnaan gaar ah iyo dhiiragalin isla markaana la dhisi doono tayadooda Agab iyo ciidan.

Ciidamada Galmudug ayaa Inta badan ku Guuleystay sugida amniga Deegaanada galmuudg, waxaana Loo balan qaaday in la siin Doono Agab muhiim u ah shaqada ay Hayaan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here