Home galmudug Galmudug oo Shaacisay in aana Lagu Mateleen Shirka Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya...

Galmudug oo Shaacisay in aana Lagu Mateleen Shirka Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ay Muqdisho Ku Qabatay

0

Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Galmudug ayaa sheegtay inaysan ka qeyb galin shir weynihii ay wasaaradda arrimaha Gudaha Federalka ee Ka soconaya magaalada Muqdisho kaas oo diiradda lagu saarayay dib u eegista Nabadda.

Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Galmudug Maxamuud Maxamed Samatar (Duraan) oo  warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegey in Galmudug lagu soo wargaliyay qabsoomida shirka balse aan looga soo jawaabin waraaqda casuumaad ka qeyb galayaasha shirka.

Wasiirka ayaa sheegey in laa hadda ay jawaab ka sugayaan Dowladda Federalka Soomaaliya isagoona intaasi raaciyay inay waraaq u direen Ra’isul wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre, balse ilaa hadda aan loo soo jawaabin.

Ugu dambeyntii wasiir Duraan ayaa Cadeeyey inaan Galmudug aysan ka qeyb galin shirka isla markaana aan lagu matalayn.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here