Home Wararka caalamka Dhaxal Sugaha Dalka Sacuudiga oo sheegay in Wariye Khashoqgi uu ahaa islaami...

Dhaxal Sugaha Dalka Sacuudiga oo sheegay in Wariye Khashoqgi uu ahaa islaami Halis ah.

0

Maxamed bin Salmaan Amiirka dhaxalsuga ah ee dalka Sucuudi Carabiya, ayaa waxa uu Mareykanka u sheegay in qoraaga la dilay Jamaal Khaashuqji uu u arkayay inuu ahaa Islaami halis ah.

Khaashuqji, oo ahaa muwaadin Sucuudiga u dhashay kana shaqeynayay warbaahinta Mareykanka, ayaa waxaa si weyn loogu yaqaanay inuu dhaliilo maamulayaasha dalkiisa.

Maxamed bin Salmaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu arrintaasi taleefoonka ugu sheegay Aqalka Cad kaddib markii Khaashuqji la waayay taas oo ka horraysay inta uusan Sucuudigu qiran inuu ninkaasi dilay.

Maydkiisa ayaanan weli gacan lagu hayn, hasayeeshee Turkiga, Mareykanka iyo Sucuudi Carabiya ayaa dhammaantood waxa ay isku raaceen in lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul 2-dii bishii Oktoobar.

Wicitaanka taleefanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa 9-kii bishii Oktoobar, todobaad kaddib markii la waayay Khaashuqji.

Sababta uu hadalkaasi u sheegay ayaa lagu sheegay in ay tahay ilaalinta Xulufadda Mareykanka iyo Sacuudiga.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here