Home Wararka Maanta Ciidamada NISA oo Xabsiga Dhigay Wariye Jamaal cosmaan oo dhawaan Alshabaab waraysi...

Ciidamada NISA oo Xabsiga Dhigay Wariye Jamaal cosmaan oo dhawaan Alshabaab waraysi kasoo Qaaday

0

Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa xiray weriye Jamaal Maxamed Cusmaan oo ka tirsan telefishinka Channel 4 ee dalka Ingiriiska.

Weriyaha ayaa la qabtay xili uu ka soo degayey garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan NISA ayaa hotel ku yaalla garoonka Aadan cadde ku xanibay weriyaha, iyadoo wararka qaarkoodna sheegayaan in loo dhaadhiciyey xabsi ay leedahay NISA.

Taliska NISA wax war ah kama soo saarin xariga weriyaha, hase ahaatee waxaa la aaminsan yahay in xarigiisa uu la xiriira booqashadii uu dhowaan ku tegay degaanada ay ka taliso Al-shabaab halkaasoo uu ka sameeyey barnaamij ka baxay Channel-4 TV.

Weriyaha ayaa barnaamijkaas ku wareystay Mahad Karate oo ka mid ah hogaamiyeyaasha sare ee kooxda Al-shabaab, kaasoo Mareykanka ay madaxiisa dul dhigeen Malaayiin dollar.

Ad
Previous articleCali Yare oo u jawaabay Fiqo oo Hadal kasoo Baxay Dhawaan, Waxa uu ku baaqay in Talaabo laga qaado
Next articleMaraykanka oo Shaaciyay inuu Alshabaab Badan uu Duqayn ku Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here