Home Wararka Maanta Maraykanka oo Shaaciyay inuu Alshabaab Badan uu Duqayn ku Dilay

Maraykanka oo Shaaciyay inuu Alshabaab Badan uu Duqayn ku Dilay

0

Ciidanka Mareykanka ayaa sheegay in labo weerar oo cirka ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka geysteen 14kii & 17kii bishan aggagaarka degmada Cadalle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymahaas ay ku dileen 15 ka tirsan Al-shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay inaysan waxyeello ka soo gaarin dhimasho ama dhaawac dadka rayidka ah duqeymihii lala beegsaday Al-shabaab.

Duqeymahan ayaa ku soo beegmaya xili ciidamada xoogga dalka oo gacan ka helaya dadka degaanka iyo dayuuradaha Mareykanka ay Al-shabaab ka saareen inta badan degmooyinka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Ad
Previous articleCiidamada NISA oo Xabsiga Dhigay Wariye Jamaal cosmaan oo dhawaan Alshabaab waraysi kasoo Qaaday
Next articleWariye Jamaal Cosmaan oo Saacado ku Xirnaa Muqdisho oo Dib loo Celiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here