Home Wararka Somaliya Galmudug Shir Looga hadlayay Xeerka xaquuqda Caruurta oo Maanta dhuusamareeb ka Furmay {Sawiro}

Shir Looga hadlayay Xeerka xaquuqda Caruurta oo Maanta dhuusamareeb ka Furmay {Sawiro}

0

Shirakani wadatashiga ah ayaa inta uu soconayo diirada lagu saaraya diyaarinta qorshahe Istiraatijiyadeed oo looga baaraan dagayo si loo meeel dhigo wax walba oo la xiriira Xaaladaha caruurta ,iyadoo ay ka qeyb  galayaan hay’adaha ay quseeyso ee dowlad gobaleedka Galmudug, khubaro, Mas’uuliyiin ka socota madaxtooyada iyo Wasaaraddaha Haweenka Galmudug oo gacan weyn ka geystay dar dargalinta tallaaboyinka lagu diyaarinayo xeerkan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka Galmudug Maxamed Cali Alaale oo ka hadalay shirka ayaa sheegay in wadatashiyadan looga gol leeyahay in ugu dambeyn la gaaro dhidbida shurci qeexaya xuquuqda caruurta reer Galmudug,waxana dhammaan ka qab galayasho ay isku racayn sida loogu baahanyaha helid sharci la xariira caruurta Galmudug

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug Cusmaan macalin Xassan oo ugu dambeyn goobta ka hadley ayaa tilmaamey in Galmudug ahmiyad weyn siineyso dhameystirka sharciga Caruurta,waxana Gunaanadkan wadatashigan  la filayaa in laga uruuriyo ka qayb galayaasha dhamaanba soo jeedintooda oo si guud loogu biirin doono wadatashiyada lala sameynayo dadkan la isu keenay,  taasoo wax ku daris iyo ka dhimisba u noqon doonta dhameystirka qabyo qoraalka qabyo qoraalka xeerka xuquuqda caruurta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ad
Previous articleMadaxweynaha TikTok iyo dhalinyarada Gurmad Abaaraha oo Galkacyo Lagu Soo dhaweeyay (Sawiro)
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo dib ugu Soo Laabtay Dhuusamareeb (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here