Home wararka Dalka Warbixin Maamulka Gobalka Banaadir Ma Baraha Bulshada ayuu Ku shaqeeyaa Mise waxaan...

Warbixin Maamulka Gobalka Banaadir Ma Baraha Bulshada ayuu Ku shaqeeyaa Mise waxaan Jirin Maskax dhanka shaqada ah (Akhriso)

0
SHARE

Tan Iyo markii la magacaabay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, waxaa Gobalka Banaadir ka jiray Gaabis shaqo oo Ah in uu Qabto Waxgaabihii Looga Baahnaa.

Yariisoow oo in mudda ah siyaasada Ka Soo Dhex-muuqday ayaa Hada Ah Gudoomiyaha Gobalka banaadir, Waxaana Dad badani ay aamusanyihiin in uusan Xilkaas Khibrad ulaheed sidoo kale awood shaqo uu ku  filan uusan laheyn.

Tan iyo Magacaabistiisa Ma uusan la imaan isbedel Dhaqaale iyo mid Maamul Toona Amarro ku Soo laabtay oo aan Dhaqan gelin mooyee.

Dad badan ayaa aamisan in yariisoow  uusan Laheen La taliyaal Wanaagsan oo Dhanka shaqada ah, in kastoo ay jiraan Rag Da’yar ah oo aan Maskax gelineen Waxyaabaha Soo laaban karo iyo Kuwa kale.

Tusaale ahaan Arimaha  Dhulalka La bur burinayo, xoolaha Magaalada , Reerarkii Bilicda oo Demay Laakiin Hada Lagu bilaabey Shaqo Ka Dib Qeylo dhaan Ka timid Shacabka Culeeysna Saartay Maamulka Gobalka.

Yariisoow oo In mudda ah Xilal soo hayay Hada Dad badani waxay Qabaan in Culeysyadii Gobalka ay sii kor dheen in Wax laga Qabta mooyee.

Sidoo Kale waxaa Yaraaday oo Gabi ahaan Meesha Ka sii baxaya xariirka Ka dhaxeeyn  jiray maamulka Gobalka Banaadir iyo Bahda Saxaafada.

La soco Qormooyin kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here