Home wararka Dalka Itobiya iyo Jabhada Hubaysan ee ONLF oo Heshiis Wada Gaaray Muddo Ka...

Itobiya iyo Jabhada Hubaysan ee ONLF oo Heshiis Wada Gaaray Muddo Ka dib

2
SHARE

OLF ayaa magaalada Asmara ee caasimadda dalka deriska ah ee Eritrea oo saldhig u ah jabhaddaasi heshiis nabadeed kula saxiixatay dowladda Itoobiya, colaadda u dhaxeysa dowladda Itoobiya iyo jabhadda Oromada ee OLF ayaa sababtay in kumannaan qof oo Oromo ah ay dalka isaga qaxaan.

Guddoomiyaha OLF Da’ud Ibsa oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu sheegay in wixii haatan ka dambeeya hawlahooda siyaasadeed ay si nabad ah ugu qabsan doonaan gudaha dalka Itoobiya.

“Waxaan isla garanay inaan joojino halganka hubeysan dhankeena iyo dhanka dowladdaa, oo aan dagaal ku raadin danaheena siyaasadeed, waxaan ku laaban doonaa Itoobiya, waxaana ku heshiinay in gudaha dalka aan si nabad ah uga hawlgalno, annaga oo aan wax caqabad ah ku aheyn dowladda”. Ayuu yiri Guddoomiye Da’ud.

Jabhaddani ayaa bishii la soo dhaafay ku dhawaaqday xabbad joojin kaddib muddo sanado ah oo ay dagaal ba’ani kula jirtay dowladda Itoobiya, OLF ayaa dooneysay in gobolka Oromia ee ay degto qowmiyadda ugu tirada badan dalkaasi Itoobiya ee Oromo uu ka tashado aayahiisa.

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa dhawaan jabhaddani ka saaray liiska kooxaha argagixisada ahi, kadib markii xukunka dalkaasi uu la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali oo la yimid isbadal siyaasadeed oo xal loogu raadinayo dhibaatada dalkaasi Itoobiya.

Loading...

2 COMMENTS

  1. Oromaddii Mucaaradka iyo Dowladdii Oromadda Heshiisayee, SOOMAALI MAXAA DAN U AH..!!!

    Dowladd Degaanka Soomaalidda iyo ONLF weli majaraha ayay isku dhagan yihiin, Xaajadooduna ma sugnoo Xal-na warkiisa Daa…!!!

    Bulshadda Degaanka ( shacabka qeybo kamid ah ) oo dhaliilsan Maamulka uu majaraha u haayo C. Maxamed Cumar, aaminsana Midnimo Warkeedda daaye in Magaalooyin hor leh oo uu maamulku lahaa, Magan u noqdeen Mingiste iyo Meel aan la aqoon ( Oromadda) arintaasi Waa Xaalad kale oo hor leh iyo Xaajo Naga Qarsoon oo Cakiran…!!!

    Dhibaatadda la soo deristay Dowladd Degaanka Soomalidda Itoobiya Waa arin u baahan in Qof kasta oo Soomali ah FIIRO GAAR AH U YEESHO, FAHM FIICANA KA QAATO XAALADDA AY SHACABKA D.D.S.I KU SUGAN YIHIIN, SABABTOO AH Dhulkaasi waa Dhul Soomaaliyeed, Waana Qeyb ka maqan Umadda Soomaliyeed.

    Sida aan la socono shacabka Dowladd Degaanka Soomalidda markii la doortey ra’isul wasaraha cusub ee Dalka Itoobiya Mr Abiya Axmed, waxa ay ahaayeen Shacabkii ugu horeeyey ee ku soo dhaweeeyo Caleemo Qoyan iyo laab furnaan oo ay la socoto Marxbeyn iyo jaceyl ay u qabaan Dowladdnimadda gaar ahaan Ra;isul wasaaraha Cusub ee Dalka Itoobiya Mr Abiya Axmed oo ay u arkayeen inuu yahay Qof Muslim ah, kuna Diin ah.
    …Iyaddo ayba u arkayeen in Itoobiyadda Cusub u noqon karaan Baalihii ay ku duuli lahayd (Horumar iyo Midnimo shacab ), si shacuubta asaagooda ah ugu daydaan Shacabka Dowladd Degaanka Soomaalidda Itoobiya..kala duwanaashaha Itoobiyaddii hore midda Cusub inkastoo aan farqiga u dhaxeeyo la saadaalin Karin..laakin waxaa cad Itoobiyadii hore ( Maamuladdii Meles Zanawi ) ka horeyay ay dhalaxsiiyeen shacabka Soomalidda Itoobiya Abaar, Gaajo, Baro kac iyo Horumar la;aan Baaxad leh…itooibyaddii keligii taliska ahayd waxay dhaxal-siisay shucuubta itoobiya kala qeybsanaan, dagaalo ahli ah, bur bur, horumar la’aa iyo xaaladdo xun xun oo ay u dheertay shacabka Dowladd Degaanka Baro kicin Shacab, Faquuq iyo ku takrifalidd awooddii dowladnimo.

    Shacabka Dowladd degaanka Soomalidda waxay ku Qaabileen Mr. Abiya Axmed oo ay u arkayeen Hogaamiyihii Is-badal-doonka ahaa ee Itoobiyadda Cusub…Waxaa si aan loo kala harin, Shacabka oo dhan, ciroole ilaa ciyaal, Xafladd Si heer sare loo agaasimey loogu qabtey Caasimadda Dowladd degaanka ee Jig jiga, haddii ay noqon lahayd Baarlamaanka Dowladd Degaanka iyo Barxadda Dadweynaha, oo markaasi shacab badan ay isugu soo baxeen…Taasi oo muujineysay Runtii, Biseylka ay u qabaan Shacabka Dowladd Degaanka iney mar un arkaan Dowladd Mideyn karta Shucuubta iyo qowmiyadaha kala duwan ( kala Diinta iyo dhaqanka ah) ee Itoobiya, dowladd Gaarsiin karta Horumar iyo Nabadd waarta iyadoo aan Cidna la faquqin ama laheyb soocin..

    Kadib Soo dhaweynta Mr. Abiya Axmed ee Jig-jiga, Haddii aan nahay Soomalidda kale waxay noo Bidhaamisey (iftiimisay) sida ay shacabka dowladd degaanka Soomaalidda uga go’an tahay iney kaalintooda ku aadan Midnimadda iyo Nabadd ku wada noolaashaha shucubta itoobiya ay noqdaan kuwo maahan ookeliyah iney buuxaan kaalintooda shacab, balse noqdaan horseed loo hor-fadhiisto wixii Horumar ah… waxay muujiyeen karti iyo dadaal dheeri ah oo aan la dafiri ama qarin Karin !!

    Maadaama Dalka ay Qabsadeen Shacabka Oromadda ah, ama ay Ra;isul wasaare u noqdeen Dalka Itoobiya waxaa jirta gocosho ay goconayaaan Dhibaatooyin iyo aanooyin horey loogU geystey Shacabkaasi, Dhibaatooyinkaasi waxay ka tabanayaan Maamuladda Tikreegga iyo Is Maamulka Dowladd Degaanka Soomalidda oo isku dhinac ahaa, waqtii dhibaatadda ka dhanka ahayd oromadda, hadii aan si kale u iraahdo waqtii la xasuuqayay shacabka Oromadda ah, ee markaasi diidanaa Dowladda Federaalka ee Itoobiya, Madaxdii Tigreegga ee waqtigaasi joogey oo uu ka mid yahay Ra;isul wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desale, waxay dhiiqo dhex fadhiisiyeen ama ay mariyeen Buraash Ciideysan Shacabka iyo Dowladd Degaanka Soomalidda ah oo aan markaasi ka digtooneyn shirqooladda guracan iyo hagar-daamooyinka uu u maleegaaayo Cadowgooda..

    Keligii Taliyhii Itoobiya ee Itoobiya ee Hailemariam Desale, Wuxuu shacabka Soomaliyeed u arkaayay Awoodda keliyah ee u babac dhigi karto Q. Oromadda… oo markaasi Qixin iyo Barakicin ka dhan ah Shacabka Tigreega ka wadey dhulka Oromadda, Ciidanka Federaalka Itoobiya oo kaashanaayo ciidanka liyuu Booliska Dowladd DEgaanka Soomalidda..ayaa igayana cashiro lama iloowaan ah u dhigey Sh. Oromadda, Xasuuqa ka dhanka aha shacabka oromada, taasi oo aan dhihi karo waa mida foolatay Xaaladda cakiran ee maanta u dhaxeyso Soomaalida iyo Oromadda…C.Dowladda Federaalka Itoobiya waxay dhulka Oromadda ka geysteen Xasuuq Shacab iyo Ku takri fal AWooddii Dowladnimo ee Dalkaasi Itoobiya ka jirtay, taasi oo ugu dambeyntii gelisay Soomalida waxa loo yaqaano TAKANE , dhasheyna Raisul wasaaraha Cusub ee Itoobiya Mr. Abiya Axmed. Ra’isul wasaaraha Cusub ee itoobiya oo aan dhihi karo kuma soo aadin waqti farxadeed iyo isku calool fiyoobaan shacab, balse waqti ay Shacabka Itoobiya Soo Gaareen Daqaro badan oo u bahaan dhaqtar si taxdar leh u dabiiba.
    Si kastaba ha u dhacdee, Xaaladdo iyo marxalado kala duwana ha la soo mareey, waqtigaan la joogo( 2018). Itoobiya waxay dhex jiiftaa Xaaladd adag oo cakiran, kana duwan tii hore iyadoo itoobiyadda cusub ay foolaneyso ( Dagaalo ahli, Barakac shacab iyo boob hanti Dadweyne…)
    Shacabka ku nool Dowladd Degaanka Itoobiya (D.D.S.I) oo ah dhibanayaasha Ciyaarta Federaalka Itboobiya ee u dhaxeeyo Qowmiyadda kala duwan ee Dalkaasi kajira…waxay Maanta marayaan Shacabka Soomaliyeed ee D.D.S.I Xaaladd kala Guur ah iyo Hirar wato Muujaddo Dabeylo ah iyo duufaano Daran, taasi oo ay suuro gal tahay in shacab badan oo Soomali ah, amaba kuwo Oromo ah ay saameyn Xoogan ku yeelato Waqtiga kala guurka, halka shacab badana ay noloshoodda iyo maalkoodduba ku waayaan Qilaafka iyo Xaaladda cakiran oo aysan aqoon cida sida rasmiga ah u ciyaareyso…(Dagaalka Qowmiyadda itoobiya u dhaxeeyo waa Proxy-war) ama Dagaal Qabow, Cidii aan Ciyaartaasi u diyar garoobina ama aan qaadan tabo bar ku filan.. ciyaarta kahor, Maadaama Ciyaartaana laacibiinta ciyaaraayo ay isugu jiraan kuwo muuqdo iyo qarsan ( visible Actors and un-visible Actors), kuwa muuqdo waxa safka hore kaga jira ama booska sagaalaad ka ciyaareyso Imaaraadka Carabta o il gaar ah eegeysa Suuqa Seyladaha( Shidaalka iyo Qeyraadka) Itoobiya iyo in Imaaraadku noqdo Dowladda keliyah ee si fiican uga faa;ideysto badeecadeedana geysa Dalka Itoobiya ka hor inta aysan bilaabanin Bililiqadda ka dhanka ah Hantida Shacabka oo uu ugu horeeyo Shidaalka laga helay Itoobiya..

    Waxaa kaloo jira Dowladdo si qarsoon u ciyaaraya ciyaarta ka dhaxeyso Qowmiyadaha Itoobiya ( Ethnic Tensions). Dowladahaasi ma jecla itoobiya, axsaan badana uma hayaan, laakiin waxaa jirta Qowmiyad la dhuun gashey ku noqotey, qarniyaadkii tagey ilaa hadda oo 2018 ahna ay weli bariiskii ka cuni la’yihiin. Dowladaha Invisble Actors-ka ah waa kuwo fahamsan Ciyaarta dhaceysa, Cidey u dhaxeyso, balse mararka Qaar saadaalin kara halka ay Guusha raaceyso – Guul waa Tii Allee..!!!
    Dowladhaasi uma qabaan jaceyl gaar ah Itoobiya, balse WAxay neceb yihiin shacabka Geeska Africka hogaanka u ah, waa Soomaalidda, oo ah Dad Muslim ah, Rajo fiicana ka leh iney Geeska Africa noqoto Goob ay iyagu dhaxli doonaan Mustaqbalka Dhow… si loo ciideyo cuntadda dowladahaani ( UK,USAiyo Israel,) waxay si qarsoodi ah u siyaan Tababarro Ciidanka Dalka Itoobiya, Waxaa intaasi dheer iney ka dhaadhiciyaan Cidankaasi iney yihiin kuwo Mustaqbalka, Maahan in Nabad lagu wada noolaado, balse ay noqdaan kuwii makanin lahaa ama hanan lahaa Geeska Africa… Qorshaha Itoobiya waa mid qarsoon, balse in badan oo inaga mid ah ( Shacabka Soomaaliyeed ) waa naga qarsoon yahay, wax badan oo aan kala socononana majirto.. marka laga reebo in deel-qaaf naloo dhiibey, midka lagu kala diley shacabka Soomaalidda itoobiya oo kale..Deel qaaf aan Daliil sax ah lahayn, balse waxa ku hoos duugan ay tahay in Soomaali salka hoose la dhigo ama la quusiyo, qeybaha kale ee hareyna la qorsheysto sidii loo qeybsan lahaa mar kale… !!! {Waa Allow na mooti aniga iyo muna Dameerka Muunka}

    …waxaa suuro gal ah Qilaafka hada ka curtey Gayiga Itoobiya.. gaar ahaan, Qilaafka u dhaxeeyo Soomaalida iyo Oromadda inuu yahay saan-saan bilow ah oo lagu tijaabineyo ( wrestling game) oo lagu tijaabinaayo halka uu la eg yahay Muruqqa Soomaalidda… haddii la ogaado inuu jilicsan yahay oo ay jirto ( kala qeybsanaan dhexdooda ah, isku gurmad la;aan iyo awoodooda oo liidato, taasi waxay soo de dejineysaa in Ciyaarta hore ay si fudud iyo Waqti dhow dhacdo.. inta aan la gaarin ciyaaraha kale ee adag…
    Waxyaabaha is Biirsadey waxaa ka mid ah :-

    1. Dowladd Federaal ah oo aan la aqoon ama la ogeyn qorshaheeda dhabta ah oo ku aadan Soomaalidda Itoobiya, iyadoo ay noo iftiimineyso ama aan wax ka baran karno dhacdooyinkii xumaa ee lagula kacay shacabka Soomalidda ah ( Dialal, Barakicn iyo lunsasho Hanti shacab).. in Itoobiyadda cusub aysan ahayn Midii ay ku haminaayeen shucuubta Itoobiya oo aysan ahayd mid laga filaayo Horumar, balse ayba qeyb ka tahay Baro kicinta Soomalidda laga baro kicinaayo dhulkooda si degaankooda iyo qeyraadkoodda loo boobo.

    2. Saan-saanta ah in Itoobiyadda cusub aysan ahayn mid la’aamini karo, haddii aysanban dowladdo kale( Reer-Galbeed) aysan garab ku siineyn baro kicinta Shacabka bur burinta Hatidoodda.. itoobiyada cusub Waxay heysataa waxa loo yaqaano ( Sleeping Allience), oo macnaheedu yahay Saaxiibadda dadban ama Qarsoon..Caalamka intiisa kalan ma arkaan..( Dowladddaha Uk, gaar ahaan waasiirka Arimaha difaaca oo maal kahor booqdey Itoobiya inta aysan Ciidanka Federaalka ah la wareegin Xaruumihii Shacabka loogu Adeegaayay, Waxaaba suuro gal ah in Reer galbeedka u gacan haatiyeen D.F Itoobiya in dowladd Degaanka lagaga dhawaaqi rabo Iney ka go’een Itbooyiyadda kale, reer galbeedka iyo dhagartooda ku qotonto Shacabka Soomaliyeed si kastaba ha u shegaan iney saaxiib la yihiin, caawinayaana Soomalidda, haddana soomalidda waxay tiraahdaa MA ANA MIDO LA IIQARSADEY OO LA IGU QALI DOONIN. Taasi oo ay ka dhigan tahay meel-kasto oo ay ka naadiyaan iney caawinaayaan shacabka soomaalidda ah, si taxadar leh la isaga fiirsho, isla mar ahaantaana aan lagu kadsoomin dibinka loo dhigaayo shucuubta Soomalida ah. Itoobiyadda Cusub waxba kama duwana Tii Meles Zanawi oo aaminsaneyd in Soomaalidda la boobi karo, lana dhici karo Dhul iyo Kheryaad waxa ay lee yihiin. Maalmo aan sidaasi u sii fogeyn ayuu ra;usl wasaaraha cusub ee itoobiya ku yiri Isiyas Afawarki, Booqashadii uu ku tagey Ereteraya ; waxaan rabaa inaan Soomaaliya qabsado, ciidan igu filan oo gaaraya 70, kun ayaan heystaa, Reer galbeedka iyo Carabtana waxaan ka heystaa (go Signal) sidaasi darteed Ereteraaya waxan rabaa iney I caaawiso Ciidana iigu deeqo… Isiyas Afawarki, oo hadalka ka soo yeeray ra;isul wasaaraha cusub ee Itoobiya la yaaban ayaa yiri; Soomaalidda maahan sidii aad moodo, xitaa haddii ay ka soo haraan 10 wiil oo Soomali ah, way adag tahay inaad dhulkooda la wareegto… ARINTAASI WAA IGU MAQAAL, laakiin waa wax suuro gal noqon kara, maadama saan-saan midaasi la mid ah ay hada jirto..

    SHACABKA SOOMAALIYEED WAA INEY NOQDAAN KUWA KA FEEJIGAN SHIRQOOLADDA GURACAN IYO DIBINADDAUU CADOWGA U DHIGAAYO… MA JIRTO AXMED GUREEY DAMBE OO SOO BIXI DOONO, KAASI OO XABASHIDDA KU QASBI DOONA MAAHAN INEY DHULKA SOOMALIDA KA WADA BAXAAN, BALSE DHULKOODA LAGU DULEEYO OO HILIB CEYRIIN AH AY KU DHEX CUNAAN IYAGOO DULEYSAN…

    OROMADDA, waxay usoo tafo xeydatey aargudasho, Muddo 5 bil laga joogo, Dhacdadii ugu dambeysay waxay ahayd Midii ay dowladda suudaan ku bad-baadisay 5 kun oo Tigree ah oo deganaa degaanka Oromadda, Shacabkaasi oo Qarka u saarnaa in la xasuuqo..Dowladda Sudaan ayaa u furtey Xuduudeeda, kadibna u gudbisey Is-maamulka Tigreega ee Itoobiya.. Haddii aan Soomali nahay, Arintaasi waxay inoo tahay Cashir iyo Waano qaadasho, sababtoo ah haddii aan nahay Soomali, ama ku noolow dalka Soomaliya, Jabuuti ama Dowladd DEgaanka..

    SOOMAALI MEELKASTA OO AY JOOGTO WAA SOOMALI, QOFKA SOOMALIGA AHNA WAA INUU SIDAASI U OGAADAA, HADDII DEGAANK KAMID AH DHULKA SOOMAALIDDA KA DILAACDO AAFO IYO DHIBAATO, WAXAA LOO BAAHAN YAHAY INSI WADA JIR AH LA ISAGA KAASHADO, LOONA WAJAHO XALINTA DHIBAATADAASI, SI AYSAN AAFADAASI AMA DABKAASI UGU FIDIN AMA U SAAMEYN SHACABK KALE OO SOOMAALIYEED..

    Dhibkaani ma sii fidi lahayn, hadii aan laga aamuseen dhibaataddii ka dhacdey Mooyaale, Jig-jiga iyo magaalooyinka kheerkeeda ah, waxay ahayd in Banaan baxyo aan loo kala harin ka dhacaan..laakiin Xaaladdu ma sidii hore mise halka ay taagan tahay, hadda meesha ay taaagan tahay weli qabasho ayay leedahay.. waa Haddii si wada jir ah loogu wada istaago deminta Dambkaasi ka kacay D.D.S.I
    Waxaan Imtixaankii ugu horeeyey aan ku dhacney hadddii aan nahay SOOMAALI, markii :-

    1. Shacab badan oo soomali ah oo ku go’doonsan dhulka oromadda 3 bil kahor,inta meel kastaoo ay magaaladda ka deganaayeen laga soo baro kiciyey, la isugu keenay xaruun Ciidan Boolis( DHulka Oromadda), iyadoo markaasi been loo sheegey in Amnigoodda la sugaayo, ayaa Markii ay saldhiga isugu soo uruureen si arxan darro ah Booliskii ay magangelyadda Weydiisteen iyo Shacabkii isugu tageen LAGUNA XASUUQEY HALKAAS… DHACDO UGUB AH OO AAN LA ILAAWI KARIN RUNTII..HALKAASI WAXAA KU BAXAY 100 QOF OO SHACAB SOOMAALIYEED AH…HADDII AYSANBA KA BADNEYN (*) CASHIRKA MEESHAAASI LAGA BARAN KARO AYAA AH OROMO HADDII UU BOOLIS YAHAY IYO HADDII UU SHACAB YAHAY –INEY ISKU MID YIHIIN, ISLA MAR AHAANTAANA AAN LA AAMINI KARIN…SOOMALIDU AY NOQOTO MID KA DIGTOON DHIBAATADDA KAGA IMAAN-KARTA OROMADDA…
    HADDII LA SOO SHEEGO AMA AY JIRAAN DAD SHACAB AH OO MEEL KU GO’DOONSAN WAA IN SI DHAQSO AH ( DEG DEG ) IYADOO AAN CID KALE LA OGEYSIIN LAGA SOO DAABULEYO AMA LAGA SOO DAAD GUREEYO- SIDII AY SAMEYSAY DOWLADDA JABUUTI, MAHAD BADANI HA KA GAARTEE, SHACABKKII UGU DAMBEYEY EE SOOMAALIYEED EE LAGA SOO BAD BAADIYEY DIRI-DHAWA..
    Shacabka Soomalida ah, gaar ahaan dhulka ay colaaddu saameysay, waxaa loo baahnaa in lala gaaro gurmad iyo gacan beni aadaninimo oo deg deg ah, shacabkaasi ku go’doonsan goobaha ay colaadda ka jirto si fudud looga daad-gureeyo… IMTIXAANKII UGU HOREEYEY waan ku dhacney haddii aan nahay shacabka Soomalida ah, ee yaanan ku dhicin kuwa Dambe ee soo Socdo, waa in si wada jir ah looga jawaabo, haddii ay sii socdaan dhacdooyinkaani foosha iyo kuwa kale ee lagu beeegsanaayo shacabka Soomalidda Itoobiya.. Waxa ugu horeeyaoo aan qaban karno from Madaxweyne To Masuul, Waa inaan :-

    1. Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Ma’ed C.aahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ay kula xisaabtamaan ra;isul wasaaraha Itooobiya waxa kadhacaayo dowladd degaanka, Maadaama shacabkooda meesha lagu gumaadaayo, waxa barakacayana ay iyagu yihiin…D.D.S.I maahan mid aan si free ah ku bixiney, WAA DHUL AY LEEYIHIIN DEGAN YIHIINA Shacab Soomaaliyeed, balse waa dhul iyo shacabkiisa oo Si qasab ah ( Xoog Ah) istcimaarka Maanta caawinaayo Itoobiya eek a shaqeynaayo in Soomalidda la sal-kiciyo ( UK,US iyo Israel.) Waa dhul si sharci-darro ah loogu xalaaleeyay Barlin Agreement .. UK oo ah DAlkii waxaan oo ibtilo ah ka dambeyey, hadana inuu calan weyn oo ay ku qoran tahay UKAID, meel la soo fadhiisto si uu mar kale u mar habaabiyo ama u dago shacabka Soomaaliyeed.. arinteenu ha noqoto MAR I DAGE ALLAA I DAGEY MAR 2-AAD I DAGEYNA ANAA IS DAGAY.. SI KALE HADAAN U IRAAHDO, WAA IN HAL MEEL 2-JEER NALAGA QANIININ HADDII AAN SOOMAALI NAHAY, OGNAHAYNA CIDA SI RASMIGA AH INOO CAAWINEYSA, IYO CIDA CAAWIMAADOODA AAN DHAAFSIISNEYN FARUURTA 2DEEDA ADIN.

    2. In Safiiradda Soomaaliya iyo Jabuuti u fadhiyo Caalamka, Sida:- UN,IGAD iyo EU wa iney arintaani ka hadlaan, banaankana soo dhigaan ( xASUUQA ama Ethnic Cleansingka ) ka socda Itoobiya, si Caalamka intiisa kale u ogaado Xasuuqa ka dhanka ah Shacabka Soomalidda Itoobiya.

    3. In jaaliyadaha iyo qurbo-joogta Soomaliyeed ku banaan-baxaan ama ay isugu soo baxaan banaan safaaraddaha ay Itoobiya ku leedahay caalamka oo ay ugu horeeyaan ( Washington,London,Tronto,Berlin and dhmaan Safaaradaha Itoobiya ay ku leedahay Caalamka intiisa kale ) BAANAANBAXYO AAN LOO KALA HARIN, KANA DHAN AH XUKUUMADDA CUSUB EE ITOOBIYA.. ( Somali ethnic cleansing in Ethiopia)..
    Ugu Dambeyntii, Shacabka Dowladd Degan Dowladd degaanka Soomalida itoobiya, Waxaan usoo jeedin lahaa, iney Joojiyaan wixii khilaaf ah ee dhexdooda yaalo, Iskuna tanaasulaan, miiksa wada hadalka ahna isugu yimaadaan ( dib-u-heshiisiin Shacab) si loo bad-baadiyo shacabka iyo degaanka qarka u saran bur bur, loona dhayo wixii boog ah oo u baahan dabiib iyo dhayid. Shacabka iyo degaankuba waxa uu u baahan yahay Bad-baadin.
    Shacabka dowladda Degaanka Soomalida, waa iney ku baraarugaan Xaaladda ka jirta Degaanka, sic id kale aysan uga faa;ideysan dhexdooda, loona abuurin fidno hor leh oo ku daato dhiig shacab….waxaa la joogaa waqtigii kala guurka,Itoobiyadda Cusub inta ay arinteeda meel u dhaceyso, waa in Maamulka Dowladd Degaanka muujiyaa Feejignaan dheeri ah, Mideysaa Shacabkeeda, dheydaa wixii dhib ah ee jiro, balaarisaa Maamulka, si loo helo maamul ( SAL-BALAARAN) oo ay shacabkoo dhan u dhan yihiin, loona tabaabusheystaa sidii lagu soo celin lahaa dhulka degaanka ka maqan eeMaalmihii tagey lagu darey dhulka oromadda.

    Dalka itoobiya waxaa u dhalatey Dowladd Cusub, lamana oga qorshaha iyo siyaasadeeda ku qotonta Dowladd degaanka Soomalidda, Sidaasi darteed inta ay Dowladda iyo Maamulka cusub ee Hogaanka u yahay Mr. Abiya Axmed Salka dhiganeyso waxaa loo baahan yahay :-

    1. in la muujiyo midnimo Shacab iyo kala dambeyn, si loo soo afjaro Qilaafka u dhexeeyo Maamulka iyo Shacabka Qeybaha kamid ah ee dhaliishan Maamulka uu Madaxweynaha u yahay Mudane Abdi Maxamed Cumar, Muhiimaddu waa in aan idinka dhexdiina ah laga faa;ideysan.. faa’ideysan oo dalkiina ku waayin Qilaaf iyo kala qeybsaan dhexdiina ah, oo si fudud loo xalin karo. iyadoo maanta dhulkiina laga helay Shidaal, suuro galna ay tahay in waqti dhow aad noqotaan Dhulka Dalka itoobiya ugu HODANSAN.

    2. in la qabto Shir dib u heshiisiin ah oo ay u dhan yihiin Dhamaan QEybaha Shacbaka Soomalidda Dowladd degaanka. shirkaasi oo gogol xaar u noqda Nabadd ka hana Qaaada Degaanka, Shir-weyne suura gelin kara is cafis iyo isa-saamixid shacabka dhexdiisa ah, iyo Mid u dhaxeeyo Xukuumadda iyo Shacabka..
    3. Ugu dambeyntii, Waa in odayaasha Dhaqanka u kacaan daminta Colaadaha ka jira degaanka, xal waarana ka gaaraan Xaaladda cakiran. ODayaasha Dhaqanka, Culumaa udiinka iyo Waxgaradka Degaanka Waa iney U ISTAAGAAN KA QEYB QAADASHADDA DIB U HESHIISIIN LOO DHAN YAHAY OO DEGAANKA D.D.S.I U HORSEEDDA XAL-WAARA IYO NABADD AY SHACABKA KU DIIRSADAAN.
    Alle Nabadd waarta ha siiyo dhamaan shacabka Soomaliyeed meel-kasta oo ay Dunidda ka joogaanba.. AAMIIN YAA RABI

    W/T

  2. Haddii OLF la hesiisay Oromiya Government, Maxaa ONLF u diidey iney iyaduna la heshiiso Dowladdeeda ( D.D.S.I, kana qeyb qaadato difaaca shacabka iyo dhulka Soomaaliyeed oo Qarka u saaran inla qaato… qul-qulka daran awggii iyo Qowmiyaddaha kale ee raba iney ku qadeeyaan qeybtii Soomaali lahayd, Maadaama Quwadii Shacabka kala Qeybsan tahay…

    ONLF halkii ay ka mid noqon lahayd Tii uu Isticmaarka iyo quwadaha Qarsoon u adeegsan lahaayeen bur-burinta Hanaanka Dowladnimo iyo Barakicinta shacabka), ONLF miyeysan Habooneyn iney u tanaasusho shacabkeedo, kana qeyb qaadato Horumarkoo, Noqotana mid kamid ah Muruqqii iyo Maskaxddii Berri lagu (bad-baadin lahaa) Degaanka.
    ONLF miyeysan ahayn Muruqii u diidi lahaa qowmiyaddaha kale ee Qaajeesan ( Baahan) Qorshahooduna yahay iney kala qeybsadaan kuna Quraacdaan qeybtii Soomaali xaqqa u lahayd.. !!!

    Nabadda Waa Furaha Nolosha, Nabad iyo Midnimo ayaana Naas la nuugo leh !!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here