Home Wararka Maanta Maxamed Adiila oo ahaa Soomaali ayaa Lagu Qabtay Ukrain Asagoo Dagaal culus...

Maxamed Adiila oo ahaa Soomaali ayaa Lagu Qabtay Ukrain Asagoo Dagaal culus ku jiray

0

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay nolosha ku qabatay koox calooshood u shaqeysatayaal ah oo ka barbar dagaalamayay ciidanka Ruushka.

Ragga nolosha lagu qabtay ayaa waxaa kamid noqday muwaadin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Adiila, sida ay warisay warbaainta Ukraine.

Ninkan Soomaaliga ah iyo ragga kale ayaa la qabtay, iyaga oo ka dagaalamayay dhanka magaalada Maryinka ee gobolka Donetsk, sida warbixinta lagu sheegay.

Maxamed Adiila ayaa si gaar ah uga tirsanaa guutada saddexaad ee milatariga Ruushka ee haatan dagaalka adag kula jira ciidamada dowladda Ukraine.

Sidoo kale wuxuu haystay baasaboorka Soomaaliya, sida ay muujinayaan caddeymaha la helay iyo xogta ku saabsan ninkaas ee ay baahisay warbaahinta dowladda Ukraine.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Maxamed Adiilka uu dagaalka ku biiray dhammaadka sanadkii hore ee 2023-kii, mana haysan wax khibrad dagaal ah, balse waxaa sababta lagu sheegay in la siinayay lacag, si uu ugu dagaalamo dowladda Ruushka.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo horay Ruushka loogu eedeeyay inuu si qasab ah ku askareeyay dhalinyaro Soomaali ah oo ku dhibaateysnaa dalalka Ruushka, Belarus iyo Poland.

Mid kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Belarus, isla markaana horay wareysi u bixiyay ayaa faahfaahiyay, sida dhalinyaradaasi qasabka loogu qoray.

“Waxaa jira dhalinyaro siddeed qofood ah oo ciidanka waddanka Ruushka lagu daray oo la rabo inay u dagaalamaan oo Ukraine loo gudbinaayo” ayuu xilligaas yiri ardaygu.

Inta badan calooshood u shaqeystayaal kasoo jeeda Qaaradda Afrika ayaa la geeyaa furimaha dagaalka ee Ukraine, halkaas oo uu duulaan culus ku qaaday Ruushka.
Ad
Previous articleDowladda Itoobiya oo markii u horreysay qiratay culays xoogleh oo kasoo wajahay dhanka Soomaaliya,
Next articleXukun nuuce ah ayuu muteysan doonaa wiilka madaxweyne Xasan Sheekh oo ku noqday Tukiga?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here