Home Wararka Maanta Dowladda Itoobiya oo markii u horreysay qiratay culays xoogleh oo kasoo wajahay...

Dowladda Itoobiya oo markii u horreysay qiratay culays xoogleh oo kasoo wajahay dhanka Soomaaliya,

0

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa markii u horreysay qiratay culays xoogleh oo kasoo wajahay dhanka Soomaaliya, kaas oo ka dhashay heshiiskii is-afgaradka lagu sheegay ee ay dhowaan la gashay maamulka Somaaliland.

Faysal Rooble oo ah aqoonyahan falanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegay in Soomaaliya ay guul weyn kasoo hoysay dhinaca diblomaasiyadda, ayna heshay taageero weyn.

“Natiijada ugu muhiimsan waxaa weeye in dalal badan ay si dal ahaan arrintan Soomaaliya ku garab istaageen, Mareykanka ha noqoto, Ingiriiska, Sacuudiga iyo kuwa kale oo badan intaa waxaa dheer ururada sida IGAD, Midowga Afrika, ururka Islaamka, ururka Carabta iyo ururka Midowga Yurub intuba inay Soomaaliya is garab taageen” ayuu yiri Faysal Rooble.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Haddii uu garab istaaggu yahay wax weyn oo la tirsan karo maanta guushaas Soomaaliya waa ay haysataa”.

Aqoonyahan Faysal Rooble ayaa xusay in arrintan ay culays ku keentay dowladda Itoobiya ayna qireen ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo madaxwweynaha dalkaasi Sahle-Work Zewde.

“Waxaa markii ugu horreysay uu qirtay ra’iisul wasaare ku xigeenka, isla markaana ah wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya in culays badan saaran yahay xagga adduunka, siyaasadda iyo arrimaha ku geedaaman inuu qirasho ka sameeyay in culays xoogan uu saaran yahay” ayuu mar kale wareysiga ku yiri falanqeeye Faysal Rooble.

Sidoo kale wuxuu yiri”Waxaa kale oo iyana saas oo kale culayskaas u qiratay Soomaaliya kusoo wajahday dowladda Itoobiya madaxweynaha dalkaas marwo Sahle-Work Zewde”.

Faysal Rooble ayaa hoosta ka xariiqay in guushan ay ku timid dadaalka ay sameysay dowladda federaalka, kaas oo culays dhanka dibadda ah u horseeday dowladda Itoobiya.

“Ololihii ay dowladdu gashay natiijadeeda waynu aragnaa, maadaama ay Itoobiya qiratay inuu culays wayn saaran yahay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay

Ad
Previous articleKooxda Hirshabeele oo noqotay kooxda ugu nasiibka badan Ciyaaraha ka socda Muqdisho
Next articleMaxamed Adiila oo ahaa Soomaali ayaa Lagu Qabtay Ukrain Asagoo Dagaal culus ku jiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here