Home Wararka Maanta Xukun nuuce ah ayuu muteysan doonaa wiilka madaxweyne Xasan Sheekh oo ku...

Xukun nuuce ah ayuu muteysan doonaa wiilka madaxweyne Xasan Sheekh oo ku noqday Tukiga?

0

Maxammed Xasan Shiikh Maxammuud, oo ah wiil u dhalay Madaxweynaha Soomaaliya oo hore looga soo saaray waaran xadhig ah ayaa la sheegayaa in uu dib ugu laabtay Turkiga kaddib muddo uu baxsad ahaa.

Waxaa jira codsi xukun maxkameed oo gaarsiisan ilaa iyo lix sano oo horay looga gudbiyay wiilkaan.

Wiilka madaxweynaha ayaa la soo werinayaa in uu qirtay eedda ah ku dhufushada gaadhigiisa ee Emre Göcer oo uu ku dhintay shilkaas oo ka dhacay degmada Fatih ee Istanbul, taas oo sababtay in la soo saaro waaran ka soo baxay maxkamadda caddaaladda ee Istanbul ee Çağlayan.

Waxaa se la soo sheegayaa sida ay ku warraymayso BBC qaybteeda Turkiga in Meesha laga saaray go’aanka xadhiga isla mar ahaantaana dacwaddiisa la dhegaysan doono Salaasada soo aaddan oo bishu tahay 16 January.

Sida ku cad eedaymaha uu diyaariyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul, November 30, 2023, wadada Kennedy gaar ahaan jihada Aksaray, gaadiidka uu watay Yunus Emre Göçer ayaa ku dhacay gaadhigii uu watay eedaysane Muhammed Hasan Şeyh Mahmud. Göçer, oo cusbitaalka la dhigay isagoo qaba dhaawacyo halis ah, kuwaas oo u dhintay 6-dii Disembar.

Dacwadda la soo oogay ayaa sheegaysa in tuhmanaha uu masuul ka yahay dhimashada Yunus Emre Göçer, sidaas daraadeedna lagu dalbnayo dacwadda xukun xabsi oo u dhaxeeya 2 ilaa iyo 6 sano oo ciqaab u ah dambiga “Sababay taxadar yaridu”.

Xaaska Yunus Emre Göçer ayaa sheegtay “in ay la laabatay dacwadii ay horay u gudbisay”.

Wasiirka cadaaladda ee Turkiga Yılmaz Tunç ayaa sheegay, “In iyada oo la tixraacyo warbixinta Baarista Casriga ah ee Caafimaadka in qaladka qaybta koobaad uu leeyahay wadaha gaariga shilka qaybta ka ahaa, halka qaybta xigtana uu leeyahay wadaha mootada.” Waxa kale oo intaas ku daray in gal-dacwadeed la buuxin doono iyada oo lagu saleynayo warbixintaas, dacwad oogayaas

Ad
Previous articleMaxamed Adiila oo ahaa Soomaali ayaa Lagu Qabtay Ukrain Asagoo Dagaal culus ku jiray
Next articleWararkii ugu dambeeyay ee labada badmaax ee Maraykanka u dhashay ee lagu waayay xeebaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here