Home Wararka caalamka Denmark oo Afar Sano Xireysa Waalidka Caruurtooda u dira Dugsiga Quraanka Dalka...

Denmark oo Afar Sano Xireysa Waalidka Caruurtooda u dira Dugsiga Quraanka Dalka Dibadiisa ah..

1
SHARE

Dowlada Denmark ayaa dooneysa in mudo Afar sano ah la Xiro waalidka ubadkooda geeya Dugsi Quraan oo Dalka dibadiisa.

Wasiirada Soo galootiga Dalka Denmark inger støjberg ayaa sheegtay in ay dooneyso in mudo Afar sano la xiro waalidka Caruurtooda geeya dugsiga Quraanka ee dalka Dibadiisa.

Wasiirada ayaa intaasi ku dartay in Waalidka Falkaasi sameeya aysan ixtiraam u heynin dhaqan nololeedka Denmark isla markana ay dhibaato u geysanayaan Nolosha Caruurta ee dhanka koritaanka.

Sida ay shaaciyeen warbaahinta,  Dowlada Denmark ayaa lamid ah kuwa Norway oo Bilihii u danbeeyay baahinayay Caruur somali ah oo lagu celiyay Dalkooda si ay u soo bartaan Quraanka kuwaasi oo kala kulmay jirdil inta ay ku guda jireen barista Quraanka.

Hadalka wasiirada ayaa dood ka dhaliyay gudaha Dalkaasi madama ay adagtahay in Sharci ahaan waalidka lagu xukumo Ciqaab intaasi la eg.

Loading...

1 COMMENT

  1. Dhaqan aan DIINTA Islaamka ku dhiseyn ma’ahan Dhaqan Sax ah. Diinta Islaamka oo ah diinta Illahay ku maneystay kagana raali noqdey Umaddaha Islaamka oo ay Soomalida ku jirtana, BARASHADEEDA IYO KU CAMAL-FALKEEDUBA WAA FADLI AY DHEER YIHIIN UMADAHA KALE OO AY LA NOOL YIHIIN AMA AY U NOLOL RAADSADEEN DHULKOODA ( REER GAL-BEEDKA )

    Qofkii ku dhaho ha baranin Diinta Islaamka (e.g Quraanka ), waxa uu la mid yahay Qof kaa hor istaagey NAXARIIS IYO NIMCO (FADLI ) alle kugu maneystay kaagana fadiley qeyrka.. Qofkaasi ( dowladd, Urur iyo Xisbi ) dantoodu waxa ay tahay iney kaa maaweeliyan ama mashquul kaaga dhigaan wax aan mustaqbal kuugu jirin ama ay kaa dhigaan (Aduun iyo Aakhiro- mid gaba ).

    Beryahaan dambe waxaa Europe ama Dalalka reer-galbeedka ku soo badanaayo Xisbayadda xag-jirka ah ( Far rights Gruop), ururadaasi oo ah kuwa neceb maahan oo keliyah jinsi, balse Diimaha iyo Dhaqamadda kale oo ay leeyihiin dadka la nool ama u soo nolol raadsadey dhulkooda oo ay Soomalida ku jiraan.. sharcigaani haddii uu dhaqan galo, waxa uu saameyn ku yeelanayaa jiilalka dambe ee soo socdo, weyna adkaaneysa inaad DIINTAADA SI FIICAN UGU DHAQANTO, mar haddii inaad dibadda wax ku soo barato ( Diintaada iyo Dhaqankaaga suuban ) ku soo barato laguu diidey, waxa imaaneysa in hadana la yiraahdo kuwa gudaha ku jiro ha la xiro, sababtoo ah waxba kama duwana kuwa gudaha ku jira, weyna uga fudud tahay iney xiraan ( masaajidda iyo goobaha Dacwada) ee dalalkaasi, WAXAA KUGU FILAN OO KELIYAH DALKA ANAGA AYAA LEH UMANA OGOLIN..

    RUN AHAATII, Soomaalida meeshaasi nolol uma taalo, haddii aysan la tar-tami karin dhanka siyaasadda, Isla mar ahaantaasi aysan baajin karin IN SHARCIGAASI LA GUDBIYO AMA UU DHAQAN GALO, waa iney isaga guuraan DALKA DENIMARK, sababtoo ah Diinta waa ka weyn tahay wax lagu ciyaaro, meesha waxa ka soo socdo Aduun iyo aakhiro-seeg. Diintu ma ahan wax lagu Qamaaro.

    Dalalkaani ( Scandanevian, Europe iyo America). sii joogis ma leh, sababtoo ah SHARCIGAASI, iyo kuwa kale ee lamid ka ah, Waa mid loogu xeed-xeedanaayo in lagu xad-gudbo jiritaankooda Umadeed, Sharcigaasi waxa uu dambiile ka dhigayaa dad badan oo aan wax dambi ah lahayn, ( innocent Citizens), shicigaasi waxba ma dhaamo inuu ka daran yahay maahane, sharcigii looga mamnuucey Qaadka Dalka ingiriiska. Shacigaasi iyo kuwa la midka ah waa kuwa lagu baneysanaayo ama lagu xalaaleysanaayo in dad (Shacab ), la dulmiyo laguna takri falo wixii xuquuq ah oo ay lahaayeen ka shacab ahaan.

    Shacabka SOOMAALIYEED ee ku nool denimark, waa iney ka tabaabusheystaan sii joogitaanka dalalka Denimark, Norwey iwm., sababtoo ah waxa cad in dagaal dad-ban lagula jiro Diinteena suuban ee Islaamka ah. Meeshii Diintaada, Dadnimadeeda iyo dhaqankaada lagu diido ama lagaa hor istaago inaad ku dhaqanto waa inaad KA HIJROOTAA, RAADSATAANA HOY ( GURI) MIDKAASI DHAAMAN SIDII AAD UGU HAYAAMI LAHAYD HADAFKAAGU IYO HIMILADAADU YEYESAN NOQON, INAAD HANTI EEBAHEY KUGU MANEYSTAY HIBO CID HANTI-DAASI KU SIISO…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here