Home wararka Dalka Faafaahin Dowlada Somaliya oo iskugu yeertay Madaxda Galmudug ee Khilaafka u dhaxeyo..

Faafaahin Dowlada Somaliya oo iskugu yeertay Madaxda Galmudug ee Khilaafka u dhaxeyo..

1
SHARE

Wararka dowlad laga helayo ayaa sheegaya  in dowladda Federaalka Soomaaliya ay haatan bilaabeyso dhex dhexaadin ku aadan Madaxda Iskhilaafsan ee Galmudug,kuwaas oo kala degan Magaalooyinka Cadaado iyo dhuusamareeb.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa Warqad u dirtay labada dhinac,iyada oo ka codsaday in ay Muqdisho isugu yimaadaan shir lagu xalinaayo khilaafka kaas oo u muuqda mid curyaamiyey Shaqooyinkii Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,iyo Madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Xildhibaano dhowr ah ayaa ku sugan Dhuusamareeb,halka Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka iyo tiro xildhibaano ahna ay ku shiraan Magalada Cadaado.

Warark aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in codsiga Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay u kala dirtay labada dhinac ay aqbaleyn,isla markaana ay imaan doonaan Magalada Muqdisho.

Madaxweyne Xaaf ayaa la filayey in uu dhawaan Magacaabo Golihiisa Wasiirada balse uu hakiyey kadib codsi uga yimid Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka deegaanada Maamulka Galmudug.

Loading...

1 COMMENT

  1. ——————– Aan wada hadalno waa aan wada heshiino ————————

    GAL-MUDUG STATE waa iney dar dar gelisaa xalinta qilaafka ka jira gudaheeda, Maanta looma baahno in gadaal loo noqdo ama ay jirto habacsanaan dhanka siyaasadda ah oo u dhaxeeya MADAXDA GAL-MUDUG STATE.

    GAL-MUDUG waxay heysataa fursad wanaagsan oo ay ku noqon karto HOGAANKA IYO TUSAALAHA dhamaan maamul goboleedyadda ka jira dalka.. gal-mudug waxay heystaaa fursad ay noqon karto Calaamad ama Astaan u Taagan * Midnimadda Umadda Soomaaliyeed*

    MARKA LA SOO TAGO HABKII WANAAGSANAA EE DIMUQURAADIYADDA AHAYD OO AY KU DHACDEY DOORASHADDA GAL-MUDUG STATE, GAL MUDUG WAXAY KU TAALAA – XUDUNTA WADANKA SOOMAALIYA, SIDAASI DARTEED MAAHAN IN WAQTIGAAN ( 2018 ) IYADDA DHEXDEEDA UU KA JIRO QILAAF IYO KALA QEYBSANAAN DHANKA SIYAASADDA. WAXAA LOO BAAHNAA AMA AY AHAYD INEY NOQOTO *HOGAANKA IYO FUDUDEEYAHA * DHAMAAN WIXII DIB U HESHIISIIN AH EE LOO QABANAAYO SHACABKA SOOMAALIYEED.

    GAL-MUDUG WAA GUUL NABADEED, WAXAAN KA RAJEYNAYAA MADAXDA MAAMULKA INEY KA GUDBAAN QILAAFKA OO AY U GUDBAAN IS FAHAM, WADA TASHI IYO DIB-U- DHISKA QARANKA GAL-MUDUG SATATE OF SOOMAALIYA, MADAXDA IYAGOO GACMAHA IS HEYSTA WAA INEY KA QEYB QAATAAN FUDUDEYNTA WIXII HORUMAR AH EE UU DALKU U BAAHAN YAHAY GAAR AHAAN GAL-MUDUG STATE.

    SHIRKA AY DOWLADDA FEDERAALKA QABANEYSO, WAXAAN RAJEYNAYAA INAY KA QEYB GALAAN DHAMAAN DHINACYADDA SIYAASADDA ISKU HAAYO, NATIIJADDA SHIRKA KA SOO BAXDANA AY NOQOTO MID LAGU WADA DAAWOOBO, XALIN FIICANA U HORSEEDA SHACABKA GAL-MUDUG STATE OF SOMALIA.

    MIDNIMO, ISKU TANAASUL, IS-MAQAL, WAX-WADA QABSI IYO HORUMAR WAARA..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here