Home wararka Dalka Alshabaab oo Madaafiic ku Weeraray Saldhiga Turkiga ee Muqdisho

Alshabaab oo Madaafiic ku Weeraray Saldhiga Turkiga ee Muqdisho

0
SHARE

Al-Shabaab ayaa sheegtay in saakay Aroortii ay duqeyn la beegsadeen saldhigga dowladda Turkiga ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Shabaab  waxaa ay sheegteen in ku dhawaad 13 Madfac ay ku dhufteen Saldhigga xilli  heegan la gelinaayay Ciidamada Soomaalida ee halkaasi lagu tababaro.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka degan meel u dhow Saldhigga ayaa waxa ay sheegeen in ay maqleen jugta madaafiic xoogan, oo la garan waayay halka ay ku dhacayaan iyo meesha laga soo tuuray.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee madaafiicdaan ka dhashay, inkastoo ay adag tahay helida xogta rasmiga ah ee ku saabsan madaafiicda lagu weeraray xeradan ciidan.

Saraakiil Ka Tirsan Saldhiga Turkiga ayaa noo sheegay in madaafiic ay Soo  dhacday Balse, Wax qasaara  ah uusan ka  dhalan.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here