Home Wararka caalamka Sawiro Mareykanka Muwaadin Somali ah oo ku hanjabay in uu Qarax geesanayo...

Sawiro Mareykanka Muwaadin Somali ah oo ku hanjabay in uu Qarax geesanayo oo la xiray..

1
SHARE

Muwaadin Soomaaliyeed oo kunool Gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa xabsiga la dhigay kadib markii fariin uu ku sheegayo in uu qarax geesanayo soo dhigay bar uu Facebooka ku leeyahay.

Ciidamada Dambi baarista dalka Mareykanka ee FBI ayaa xabsiga dhigay Cabdalla Axmed Cige oo 25 sano jir deggan Gobalka Minnesota, kadib markii uu ku hanjabay in uu qarxinayo Dhismaha Hoolka ee magaalladda Saint Cloud ee Gobalka Minnesotta.

Saraakiisha FBI-da oo baaritaano sameeyay ayaa boorso uu wiilkan lahaa waxa ay ka heleen meel ku dhaw dhismaha uu ku hanjabay in uu qarxinayo, hasa ahaatee boorsada wiilkan ayaan laga helin waxyaabaha qarxa.

Eedeesanahan Soomaaliyeed ayaa la sheegay hadii lagu helo dambiga loo xiray in uu muteestan xabsi dhoor sano ah ama ganaax lacageed oo aad u badan sida uu qoray Wargeyska  The Saint Cloud Times.

Loading...

1 COMMENT

  1. America = too sensitive to judge and prosecute as long as they are Minority and Muslim..

    Dalkaan Howshiisu ALAM TARA WEY SOO DHAAFTEY, waxaad mooda in Islaamka, gaar ahaan Soomalida si gaar ah loo ugaarsanaayo. Dadka ama shacabka Soomaaliyeedna aysan la soconin jawiga & nolosha ka jirto America, kadib Doorashadii Donald Trump. AMERICA MAAHAN AMEERICADII HORE..WAXA HOGAANKA U HAAYO WAA YAHUUD IYO DADKA ISLAAMKA NACEYB.. WEY ADAG TAHAY IN QOF MUSLIM AH SI XOR AH UGU NOLAADO..

    Jawiga Rasmiga ah ee Mareykanka ka jiro, maahan mid xasiloon. haddii aad Islaam tahayna wayba u fudud tahay in Qiil laguu sameysto ama si hubaal la’aan ah la isaga kaa xirto. taasi oo suuro gelineyso in qofkii Islaam ah oo farta ay ku fiiqaan laamaha (Dowladda/FBI/Homeland security e.t.c) iyadoon la hubin saxnimadda eeda la soo jeediyeyn eedeysanaha, ma run bey ka tahay mise kaftan ayuu u dhahay, Maxa ku dhaliyey inuu erayadaasi yiraahdo.. walow aan ognahay dad badan oo Islam ah iney aad uga careysan yihiin SIYAASADDA ARIMAHA DIBADDA MAREYKANKA IYO SIDA UU ULA DHAQMO DALALKA ISLAAMKA… haddii ay caro jirto… maxaa keeney caradda heerkaasi la eg iyo waxyaabo kale oo tiro badan iyadoo aan la isweydiinin in si indho iyo hubisiimo la’aan ah la isaga xirto AS LONG AS HE/SHE IS A MUSLIM..

    SOOMALIDA WAA INEY KA TASHATO DALKAASI OO AY UGA HIJROODAAN DALALKA ISLAAMKA AH..

    HIJRADDA WAXAY WAAJIB KUGU NOQONEYSAA WAA MARKA AAD NAFTAADDA IYO DIINTAADA UU CABSATO AMA AADAN HELIN XUQUUQAHA AY DADKA (MUWAADINIINTA ) KALE HEYSTAAN..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here