Home wararka Dalka Madaxweynaha Somalia Farmaajo oo ku laabtay goor dhow Xafiiska Wasaarada Gaashaadhiga..

Madaxweynaha Somalia Farmaajo oo ku laabtay goor dhow Xafiiska Wasaarada Gaashaadhiga..

1
SHARE

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigga ee uu ku shaqeynayay muddadii ugu dambeeysay.

Madaxweynaha oo horay loo shaaciyey in uu shaqadiisa u wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa todobaadyadii ugu danbeeyey dib ugu soo laabtay Xarunta Madaxtooyada, si uu u soo afjaro khilaafkii ka taagnaa Golaha Shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale maalinta shalay ahayd ka soo laabtay dalka Boqortooyada oo uu kaga qeyb galayey shirka Jaamacadda Carabta, tallaabada uu isla maanta ugu laabtay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa muujineyso culeyska uu saarayo howlaha dib u habeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa horey muddo bil ah ku shaqeynayay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeynaysa in dagaal saf ballaar ah lagaga saaro dalka ee Alshabaab.

Loading...

1 COMMENT

  1. Caqli carruureedle Farmaajo wuxuu jecel yahay dareyska militeriga. Weligiina askari ma noqon. Qaab askareedna maba alaha.

    Mooto Vespa aan lahaan jiray dhallinyarnimadeydii ba magaalada Xamar looga bixiyay:
    MA-DUUSHO-MA-DAASHO. Maxaayeelay Xamar kama ay bixi jirin oo safaro dhaadheer ma geli jirin. Warwareeggeeda xaafadahana wuu badnaa.

    Hadda marka aan arko Farmaajo oo hadba tuute askareed isku boobaya oo aan haddana Afgooyana gaareyn, waxaan soo xusuustaa mootadeydii lagu naaneysay:
    MA-DUUSHO-MA-DAASHO.

    Farmaajo xeerada militeriga naf iyo fulenimo ayaa ku eryeysa. Isugu ma aamin qabo Villa Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here