Home Wararka ugu Muhiimsan Madaafiic Lagu Garaacay Caasimada Dhuusamareeb oo ay ku Suganyihiin Madax kala duwan

Madaafiic Lagu Garaacay Caasimada Dhuusamareeb oo ay ku Suganyihiin Madax kala duwan

0

Waxaa madaafiic xoogan caawa lagu garaacayaa magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlada goboleedka Galmudug, xili magaaladaasi caawa ku hoyanayaan Madaxweynaha Soomaaliya ,Ra’isul Wasaaraha iyo qaar kamid Madaxda maamul goboleedyada.

Ku dhawaad 10- madfac ayaa daqiiqado kahor ku dhacday qeybo kala duwan oo katirsan magaalada Dhuusomareeb, dhawaqa madaafiicda ayaana ah mid si weyn looga maqlayo magaalada oo xiligan ku hoobanayaan.

Wali lama oga in khasaaro ka dhasheen madaafiicdan caawa ku socota magaalada Dhuusomareeb, waxaana shacabka kunool magaaladaasi caawa dareemayaan xaalad cabsi badan oo ka duwan tii horey ugu jireen.

Duqeyntan caawa ku socota Dhuusomareeb ayaa kusoo aadaysa xili magaaladaasi caawa ku hoyanayaan Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha iyo qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada kuwaa oo halkaas u tagay ka qeyb galka shirka wadatashiga.

Ad
Previous articleSawiro:- Madaxweynaha Somaliya Farmaajo oo goor dhow soo gaaray Caasimada Dhuusomareeb
Next articleSawiro:- Axmed Madoobe oo ilaaladii ugu badneyd geeyay Caasimada Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here