Home Wararka Maanta Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

0

Alle ha u naxariistee waxaa habeenkii xalay ahaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliyeed.

Marxuum Sheekh Nuur Baaruud ayaa maalmihii la soo dhaafay kula xanuunsanayay Cudurka Coronavirus Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho oo uu muddo Saddex Cisho ah kujiray, iyada oo ugu dambeyn uu xalay geeriyooday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee uu marxuumku ka qaatay arrimaha dacwada Islaamka, barbaarinta iyo baraarujinta shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu kabaxay.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, isaga oo Alle uga baryay in Janadii Fardowso uu ka Waraabiyo.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Caalimkii weynaa ee Soomaaliyeed Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Sheikh Nuur Baaruud oo ka mid ahaa culimada diinta Islaamka ee ugu magaca dheer Soomaaliya iyo geeska Afrika, waxa uu cimrigiisa oo dhan u huray fidinta iyo barista dadka ee diinta, isagoo aan waligii ka gabban caddeynta xaqa xaalad kasta oo uu ku jiro.

Sheikh Nuur waxa uu kaalin mug leh oo lama illaawaan ah ku lahaa dhismaha nabadda, dib-u heshiisiinta, xoojinta dowladnimada iyo bayaaminta afkaaraha qalloocan ee kooxaha xagjirka ah.

Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo Sheikh Nuur Baaruud, Eheladiisa, Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ahna samir iyo iiman Allaha ka siiyo.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ahaa Guddoomiyaha & Afhayeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, waxaana dhowr jeer uu ka badbaaday weeraro ay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen qaar kamid ah Hoteelada ku yaal Magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleWararkii ugu danbeeyay Midowga Musharixiinta oo wada Qorshihii ugu danbeeyay ee Banaan-baxa jimcaha
Next articleWar-Murtiyeed laga soo saaray shirka Baydhaco uga socday Guddiga farsamada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here