Home puntland Dhageyso Ciidan ka tirsan Somaliland oo isku dhiibay Maamulka Puntland..

Dhageyso Ciidan ka tirsan Somaliland oo isku dhiibay Maamulka Puntland..

0
SHARE

Ciidamadaan ka tirsanaa kuwa Maamulka Soomaaliland ayaa ku sugnaa deegaanka Caraweyn ayaa waxa ay ku biireen Ciidamo kale oo ka tirsanaa kuwa Maamulka Puntland oo ku sugnaa  Magaalada Buuhoodle waxaan halkaasi ku soo dhaweeyay Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland.

Ciidamadan ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 160 Askari kuwaas oo horay Puntland uga goystay kuna biiray Soomaalilnd balse markale dib ugu soo laabtay Maamulka Puntland.

Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Cismaan Gar’adag  oo ka mid ahaa Saraakiishii hogaamineysay  Ciidamada soo goystay ayaa sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen Maamulka Soomaaliland.

Dhinaca kle xildhibaano ka tirsan Puntland oo Maalmahaan ku sugnaa deegaanka Caraweyn ayaa waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan tallaabada ay ciidamada ugu biireen Maamulka Puntland.

Halkan Hoose ka Dhageyso Ciidanka is dhiibay.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here