Home Wararka Maanta Wafdi ka socda Midowga Afrika oo Muqdisho Soo gaaray (Sawiro)

Wafdi ka socda Midowga Afrika oo Muqdisho Soo gaaray (Sawiro)

0

Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika (AU-PSC) ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Safiirka Masar u fadhiya dalka Itoobiya ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika Danjire Dr. Maxamed Cumar Gad.

Waxaa garoonka diyaaradaha kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira, Taliyaha Ciidamada AMISOM, Lt Gen Diomede Ndegeya, Taliyaha Booliska AMISOM, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska Augustine Magnus Kailie.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan madaxda ugu muhiimsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Madaxweynaha H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed iyo Ra’iisul Wasaaraha H.E. Maxamed Xuseen Rooble.
Waxay sidoo kale la kulmi doonaan shuraakada caalamiga ah iyo Ururada Bulshada Rayidka ah.

Ad
Previous articleGuddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo Sheegay in Doorashadii Mahdi Guuleed ay sax aheed (Akhriso)
Next articleSawiro: Ciidan kasoo Goostay Ahlu-suna oo isku soo dhiibay Maamulka Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here