Home wararka Dalka Faafaahin Xiisada ka taagan Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo kala hadlaya Xildhibaanada...

Faafaahin Xiisada ka taagan Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo kala hadlaya Xildhibaanada Maamulkaasi,

1

Iyada oo Magaalada Kismaayo ay weli ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Xildhibaanada qaar ee Maamulka Jubbaland iyo Madaxweynaha Maamulkaas ayaa hadana Maanta wxaa la filayaa in uu la kumo Xildhibaanada qaar Madaxweyne Axmed Madoobe.

Kulanka ayaa la sheegay in uu yahay mid gaar ah oo uu Axmed Madoobe uu la qaadan doono tiro xildhibaano ah oo ka mid ahaa kuwii moshinka ka geeyay balse markii dambe ka laabtay kadib hanjabaad uga timid Madaxtooyada Jubbaland.

Sigaar ah xildhibaanada uu la kulmi doono ayaa sidoo kale waxa ay saaxiib dhow la yihiin Xildhibaan Axmed Taajir oo shalay Ciidamada Jubbaland ay Xabsiga dhigeen.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada uu Madaxweyne Axmed Maodobe uu ka dalbaday kulanka Maanta ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in uusan weli u cadeyn waxyaabaha uu kala hadli doono balse ay u badan tahay sidii loo dejin lahaa xiisada ka taagan Magaalada Kismaayo.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Xildhibaanada uu Axmed Madoobe Maanta la kulmayo aysan aheyn kuwa aad u badan balse ay gaarayaan ku dhawaad 10 mudane,waxana iminka socda qaban qaabo ku aadan kulanka labada dhinac.

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

  1. KISMAANYO XABASHI IYO KENYA AYAA ISKA MAAMULANAAYA (AXMED MADOOBANA) IYAGA AYUU U SHAQEEYAA?

    MANA MATALIKARO SHACABKA SOOMAALIYEED.
    IN UU BADBAADIYO NAFTOODA IYO MAALKOODA?
    MAAMULKA TIGREEDA AYUU DOONAYAA IN UU KISMAANYO KAHIRGALIYO?

    WAANA CAQLIGII SOOMAALIGALBEED LAGU DUMIYAY OO (CABDI MAXAMED CUMAR) AY TIGREE) KU BOQORTAY!! KADIBNA SHACABKII SOOMAALIYEED UU KUXASUUQAY? KANA BARAKICIYAY GOBOLKII SOOMAALI GALBEED?

    WAA IN AY DHAMAATO NIN XABASHI JAAJUUS” U AH IN UU KISMAANYO IYO JIGJIGA? IYO MEELKALEETO OO SOOMAALIYA KAMID AH KASHAQEEYO??

    AXMED MADOOBE. WAA IN SI GEG DEG AH LOOGA SAARO SOOMAALIYA INTA UU KATOOBADKEENAAYO? XABASHI IYO KENYANA KADABA HARAAYO? DHAQAN XUMADA ITOOBIYA AYUU DALKA KUBEERAAYAA?

    KALA SHAKI IYO GAAJO IYO MU’AAMARAD QARSOON OO AAN CIDINA FAHMIKARIN* WAA DHAQANKA XABASHIDA? HORUMARNA WARKIISBA DAAH? GOBOLADA JUBOOYINKA OO DHAN WAXAA INTABADAN GACANTA KUHAYA (CIIDAMADA ITOOBIYA IYO KENYA” XASUUQA SHACABKA IYO BURBURINTA HANTIDOODUNA WAA XAD DHAAF?

    AXMED MADOOBENA. DEKEDA KISMAANYO IYO AIRABOORKA AYUU LACAG ISKA DALDALANYAA??

    HADABA XAGEEBAY MAS’UULIYADA KASOO GASHAA NIN (CALOOSHIISA) KALIYA KAFAKARAAYA OO AAN WAXBA FAHMAYNIN IN UU MAS’UUL KANOQDO MASIIRKA UMMADEED??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here