Home Wararka Maanta Israil oo Dishay Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Xisbullah

Israil oo Dishay Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Xisbullah

0

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay Isniintii inay fuliyeen duqayn dhinaca cirka ah oo ka dhacday Koonfurta Lubnaan.

Waxay intaas ku dartay inay howl-galkaas ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Xisbullah, ee sida weyn isku hayaan.

Israa’iil ayaa ku eedaysay sarkaalka ay dileen oo ay ku magcaabeen Cali Axmed Xassin, inuu ka tirsanaa ciidamada lagu magacaabo Radwan, isaga oo weeraro kala duwan ka fuliyey woqooyiga Israa’iil.

Ururka Xisbullah ayaa shaaciyey dhimashada mid ka mida saraakiishooda oo isla magacan wata, hase ahaatee faahfaahin intaas ka badan may bixinin.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale shregay in weerar ku dileen laba qof oo kale.

Weerarada dhinaca xuduuda ee u dhexeeya Ciidamada Israa’iil iyo Xisbullah ayaa soo noqnoqonayey tan iyo lixdii bilood ee ugu dambeeyey ee uu socday dagaalka Qaza.

Ad
Previous articleMadafiic lagu Garaacay Muqdisho iyo Duulimaadyadii Caalami ah ee imaan lahaa Muqdisho oo la Joojiyay
Next articleAxmed Madoobe iyo Xasan shiikh oo Kala Fogaaday Maxaa Sababay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here