Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed laftgareen oo Soo gaaray Muqdisho Xili Loolan adag oo ku aadan Doorashada...

laftgareen oo Soo gaaray Muqdisho Xili Loolan adag oo ku aadan Doorashada Soomaaliya uu Socdo(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa Safar shaqo kuso gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,Wasiiro iyo qeybaha kala duwan Bulshada Caasimada.

Safarkan shaqo uu magaalada Muqdisho kusoo gaaray Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xilli isbuuca soo socda magaalada Muqdisho lagu dooran doono guddonka labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo saaxiib dhaw la ah Farmaajo kana shaqeenaya dib u doorashadiisa ayaa sidoo kale olole xooggan u gali doona musharashaxiinta ay Villa Soomaaliya u rabto qabashada guddoonka labada aqal.

Ad
Previous articleSheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo iska Casilay Xil uu uhaayay Xisbig Himio Qaran
Next articleRuushka oo soo bandhigay Rag British ah oo lagu qabtay dagaalka Ukraine(sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here