Home Wararka Maanta Qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu weeraray xerada ciidanka ATMIS

Qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu weeraray xerada ciidanka ATMIS

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo maanta ka dhacay gudaha degmada Doolow ee gobolka Gedo, kuwaas oo si weyn looga dareemay gudaha degmadaas oo ka dhacda koonfurta Somalia.

Qaraxyada oo ahaa is-miidaamin ayaa waxaa lagu weeraray saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Doolow halkaas oo laga dareemayo xaalad kacsanaan ah.

Qaraxa koowaad ayaa waxaa loo adeegsaday baabuur loo adeegsaday walxaha qarxa oo lagu dhuftay ilinka hore ee xerada, halka qaraxa labaad uu fuliyay qof isa soo miidaamiyay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay arkayeen uuro cirka isku shareertay oo ka baxeysa xeradam si weyna ay u maqleen qaraxyada.

Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan qaraxayada loo adeegsaday oo ay durbo sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ee saldhigga ku sugnaa ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay xirteen aagga xerada, taas oo adkeysay in macluumaad laga helay khasaaraha.

Ad
Previous articleIsraa’iil oo Dowladda Masar ku wareejisay meydka Mohammed Salah oo ay dileen
Next articleHaweeneey aan wax xanuun dareemeeynin xitaa haddii gacanteeda ay gubaneyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here