Home Wararka Somaliya Galmudug Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug oo Tababar usoo xirtay Shaqaalaha Shaqaalaha Waaxda...

Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug oo Tababar usoo xirtay Shaqaalaha Shaqaalaha Waaxda Arimaha Bulshada Cadaado (Sawiro)

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Dowlada Galmudug ayaa maanta tababar usoo xirtay shaqaalaha waaxda arrimaha bulshadda ee degmada Cadaado.

Tababarkaaan oo uu ujeedkiisu ahaa tayeynta awooda aqooneed ee shaqaalaha waaxda arrimaha bulshada ayaa inta uu socday waxaa lagu baranaayey dowlad wanaaga, sareynta sharciga, maamul daadajinta, hanaanka adeeg bixinta, ilaalinta xaquuqda caruurta iyo ka qayb Galkooda arrimaha dowladaha hoose.

Tababarkaan oo socday muddo 3 cisho ah ayaa waxaa ugu danbeyntii soo xiray Gadoomiyaha Degmada cadaaado Cabdullahi Cabdirahman Tootoole isaga oo u mahad celiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, waxa uuna faray shaqaalaha ka faa’iideystay tababarkaan inay dadka uga shaqeeyaan wixii la baray.

Ad
Previous articleMasuuliyiin ka Tirsan DFS iyo Deeq Bixiyaasha Ayaa Shir ku yeeshay Muqdisho
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu Soo Laabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here