Home Wararka caalamka Sawiro Dalka Mareykanka Dab ka kacay Gobolka Clofornia oo wali la damin...

Sawiro Dalka Mareykanka Dab ka kacay Gobolka Clofornia oo wali la damin layahay..

0
SHARE

Dab xoogan oo dhaliyay khasaaro kala duwan ayaa wali ka socda qeybo kamid ah Gobolka California ee dalka Mareykanka, waxaana wali socda dadaalo lagu doonayo in dabkan xoogan lagu damiyo.

Dabka ayaa ka kacay dhul Beero ah oo kuyaala gobolka California, waxa uuna dabku baa’biyay dhoor Hiktar ay ku beernaayeen ofokaado, waxa uu sidoo kale dabku baabi’iyay guryo badan.

Waxaa ka qeyb qaadanaya daminta dabkan xoogan Diyaarado, Gaadiidka dab damiska oo aad u badan iyo dad gaaraya 5,700 ruux oo ka shaqeeya dab damiska, waxa ayna wali ku guuleesan la’yihiin in ay dabkaasi damiyaan.

Waxaa jira cabsi laga qabo in dabku uu khasaaro baaxad leh u gaysan doono warshado badan oo sancayn jiray wax soo saarka beeraha California, waxa uuna dabku yahay mid wali sii faafaya.

Kumanaan dad ah ayaa guryahooda ka qaxay kadib markii dabku kusoo dhawaaday, waxa uuna dabku dhulka la simay guryo gaaraya 500-oo guri, halka laga cabsi qabo in guryo kale uu dhulka la simo.

Inta la xaqiijiyay dabkan waxaa ku dhintay Haweeney waayeel ah halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo dab damiyaal ah,

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here