Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Horumar la taaban karo oo laga gaaray wadahadalkii Qaahira...

Wararkii Ugu Danbeeyey Horumar la taaban karo oo laga gaaray wadahadalkii Qaahira ee xabad joojinta Gaza

0

Wadahadallada Qaahira ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas si loo gaaro xabbad joojin iyo heshiis la haystayaal ah ayaa laga gaaray “horumar la taaban karo” iyo is afgarad laga gaaray qodobbo badan oo la isku khilaafsanaa, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Masar ee Al Qahera News, iyadoo soo xiganeysa sarkaal sare oo Masar ah.

Sarkaalku wuxuu xaqiijiyay iney sii socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis nabadeed” Gaza.

“Wareega wada xaajoodka Qaahira waxa uu marag u yahay horumar weyn oo laga sameeyay isu soo dhawaynta fikradaha, lakala qabay” ayey tiri warbaahinta Al Qahera oo soo xigatay ilo-wareedyo ku dhow kulankaas, iyadoo intaa ku dartay in la isku afgartay qodobo xasaasi ah oo u dhexeeya dhammaan dhinacyada.”

Xogtu waxa ay sheegtay in wufuudda Qatar iyo Xamaas ay ka bixi doonaan Qaahira, isla markaana ay ku laaban doonaan laba maalmood gudahood, si ay ugu heshiiyaan qodobbada ugu dambeeya ee heshiiska. Wufuudda Maraykanka iyo Israa’iil ayaa ku bixi doona saacado gudahood, inkastoo wada-tashigu uu socon doono 48-ka saacadood ee soo socda, ilo-wareedka ayaa u sheegay Al Qahera.

Israa’iil ayaa marar badan ku tilmaantay dalabaadka Xamaas mid dhalanteed ah.

Ad
Previous articleFaahfaahin:Ciidanka Booliiska Somaliland oo Hrageysa ku qabtay Haween moobeelo soo dhacay
Next articleWasiirkii Hore ee Arimaha Dibada oo ka Hadlay Magacaabista Fiqi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here