Home Wararka Somaliya Somaliland Faahfaahin:Ciidanka Booliiska Somaliland oo Hrageysa ku qabtay Haween moobeelo soo dhacay

Faahfaahin:Ciidanka Booliiska Somaliland oo Hrageysa ku qabtay Haween moobeelo soo dhacay

0

Ciidanka booliiska Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay labo dumar ah oo lagu eedeeyay in ay soo dhaceen moobeelo dad kale lahaayeen, waxaana haweenka burcada ah iyo moobeeladii ay soo dhaceen la geeyay saldhig kuyaalla Hargeysa.

Qoraal kasoo baxay taliska booliiska magaalada Hargeysa ayaa lagu sheegay in gacanta ku hayaan dumarka burcada ah iyo telfoonadii ay soo dhaceen oo gaaraya ilaa 7 xabo, waxa ayna booliiska ugu baaqeen daka leh moobeeladaasi muuqda in ay soo doontaan.

”Booliiska ayaa soo qabtay moobeeladan shaashadooda sawiradda ka muuqdaan. Waxaanan ka codsanaynaa dhammaan cidda ay ka maqanyahiin telefoonnadaasi inay degdeg u yimadaan saldhiga degmada Gacan Libaax ee (New Hargaysa) waxaana laga rabaa inay sheegaan calaamaddihiisa iyo Password ka” ayaa lagu yiri warka booliiska.

Booliiska Somaliland ayaana uga digay dadka shacabka ah in ay ka taxadaraan haweenka burcada iyo ragga sidoo kale oo xilliyada ciidda dadka baarta, waxa ayna ugu baaqeen ciddii ay arrimahan oo kale uga shakiyaan in booliiska kusoo wargaliyaan.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala Saxiixday Heshiis Xasaasi ah
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Horumar la taaban karo oo laga gaaray wadahadalkii Qaahira ee xabad joojinta Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here