Home Wararka Somaliya Galmudug Wafdi culus oo Maantay Gaaray Caad Kadib Dagaalkii Qararaa ee Dhawaan ka...

Wafdi culus oo Maantay Gaaray Caad Kadib Dagaalkii Qararaa ee Dhawaan ka dhacay Halkaas

0

Wafdi saraakiil ah oo uu hogaaminayey Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka dhulka xooga dalka G/le sare Cabdi Salaad Cali ayaa gaaray deegaanka Caad ee Gobolka Mudug oo Alshabaab iyo Ciidamada Dowladu Dagaal Culis laba Maalin ka Hor Ku Dhexmaray.

Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ayaa soo indha indheeyey goobaha Dagaalkii Qararaa uu Ka Dhacay Taas oo Alshabaab Ku Qabsadeen Deegaanka Caad Ciidamada Dowladana Laga Saaray.

Taliyaha ayaana Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ku amaanay sida ay iskaga difaaceen Dagaalkii cuslaa ee Alshabaab La Galeen.

Markii ay Alshabaab La Wareegeen Caad kana Baxeen Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Galmudug ayaa Diyaaradaha Dagaalku Waxa ay Duqeeyeen Alshabaabkii Magaalada Qavsaday Taas oo Sababtay in Alshabaab Farabadan Halkaas lagu Laayo kuwaas oo Maydadkooda Shalay lasoo Bandhigay.

Ad
Previous articleRoog cas iyo teendhooyin laga xaday madaxweyne dal Afrikaan ah oo la helay
Next articleRaysulwasaare Ku xigeenkii Itoobiya oo Iscasilay iyo Abiya Axmed oo Xaalku Ku xunyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here