Home Wararka Maanta Raysulwasaare Ku xigeenkii Itoobiya oo Iscasilay iyo Abiya Axmed oo Xaalku Ku...

Raysulwasaare Ku xigeenkii Itoobiya oo Iscasilay iyo Abiya Axmed oo Xaalku Ku xunyahay

0

 Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo Itoobiya, wasiirkii arrimaha dibada ahaana RW kuxigeenka Itoobiya Dameke Maknon ayaa iska casilay dhammaan xilalkii uu kahayay Xukuumadda Abiy Axmed.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa talaabada Iscasiladan gudaha Itoobiya, ku sheegay in ay Fadeexad iyo in Abiy kufashilmay hoggaaminta maamulka gudaha dalkiisa.

Dameke ayaa mudo dheer ahaa Wasiirka arrimaha dibada iyo RW kuxigeen, balse todobaadkan ayaa laga ceyriyey Kuxigeenka madaxa Xisbiga talada haya, iyadoo booskiisa lagaliyey Taliyaha Nabadsugida Itoobiya oo ay isku qowmiyad kasoo jeedaan.

Maknon ayaa kasoo jeeda qowmiyada Amxaarada, waxaana gobalkiisa kasocda dagaalo u dhaxeeya ciidanka Itoobiya iyo kuwa Jabhada Qowmiga ah ee FANO.

Ad
Previous articleWafdi culus oo Maantay Gaaray Caad Kadib Dagaalkii Qararaa ee Dhawaan ka dhacay Halkaas
Next articleLaftagareen oo La Saftay Xasan shiikh kana Soo Horjeestay Deni isagoo ku Sugan Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here