Home Wararka Maanta Roog cas iyo teendhooyin laga xaday madaxweyne dal Afrikaan ah oo la...

Roog cas iyo teendhooyin laga xaday madaxweyne dal Afrikaan ah oo la helay

0

Booliska dalka Malawi ayaa soo helay roogga cas ee madaxweynaha dalkaas oo laga xaday Koonfurta magaalada Mwanza oo u dhow xuduudda dalka Mozambique.

Habaaenimadii arbacada ayaa la xaday roogga iyo sidoo kale teendhooyin, iyadoo la filayay in jimcaha maanta uu madaxweynaha Malawi, Lazarus Chakwera khudbad u jeediyo dadweynaha.

Ilaa hadda, waxaa la soo xiray laba nin oo looga shakisanyahay inay xadeen rooggaasi cas, sida uu sheegay afhayeenka booliska.

Labada nin ayaa looga shakisanyahay inay agabkaas ka xadeen baabuur ay leedahay wasaaradda gaadiidka iyo arrimaha bulshada xili uu marayay wadada isku xirta magaalooyinka Zalewa-Mwanza

dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa maalmo un kadib markii dad aan heybtooda la qaoon ay jabsadeen oo ay wax ka xadeen xafiiska madaxweyne ku xiigeenka dalkaas Malawi, Saulos Chilima.

Ad
Previous articleWadaad ku baaqay in weerar lagu qaado Abiy Axmed oo dacwad lagu soo oogay
Next articleWafdi culus oo Maantay Gaaray Caad Kadib Dagaalkii Qararaa ee Dhawaan ka dhacay Halkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here