200-125 300-115 200-105 200-310 640-911 300-075 300-320 300-360 642-998 QV_DEVELOPER_01 400-101 700-501 117-201 70-696 700-505 600-199 400-351 300-207 TE0-141 100-105 300-101 300-206 300-070 70-417 210-260 210-060 200-355 300-208 CISSP 300-135 210-065 300-209 70-243 70-480 CCA-500 2V0-621D 210-451 400-051 E05-001 1Z0-052 70-410 640-916 VMCE_V9 810-403 070-464 070-243 700-802 70-246 FCBA GPHR DEV-401 C2090-610 SY0-401 712-50 ADM-201 700-039 312-50 MA0-101 648-244 SK0-004 ASF 70-494 70-673 500-005 1Z0-060 C9560-503 640-875 N10-006 98-367 70-534 NS0-505 70-342 CHFP 070-410 640-878 1V0-603 1Z0-804 C8010-250 312-50V9 C2150-508 98-368 CLOUDF 70-411 70-461 220-901 70-488 070-341 PK0-003 E20-547 70-412 70-686 500-285 CISM 101-400 102-400 PDM_2002001060 JN0-100 642-883 CAP 070-347 Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Loo Magacaabay Taliye Cusub Hadaba Waa Kuma Taliyahaas? | Mudug 24 online
radiomudug24 xayisiin mudug24 source

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Loo Magacaabay Taliye Cusub Hadaba Waa Kuma Taliyahaas?

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta u magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka Jen, Cabdiweli Jaamac Gorod, kaddib markii uu is casilay Taliyihii hore Jen. Jimcaale Cirfiid.

Taliyaha cusub ee la magacaabay ayaa Wasiir ka soo noqday dowladdii Carte lagu soo dhisay ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore C/qaasim Salaad Xasan.

Hadaba Halkan hoose ka akhriso Taariikhda Taliyaha cusub

Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod waxaa uu ku dhashay magaaladda Muqdisho sanadkii 1950-kii. Iskuulka hoose dhexe waxa uu ka dhigtay dugsiga  Macalin Jaamac, Dugsiga sarena waxa uu ka gallay iskuulka farsamada  gacanta ee magaalada Muqdisho.

General Gorod waxa uu ciidanka qortay 1966-dii.  Dalka Ruushka ayaa tababar loogu diray 1975-tii waxuuna waxbarashada luuqada ruushka ka bilaabay magaalada Furanza ee dalkii la oran jiray Midowga Sofyeeti. 1977-dii waxauu duulimaadka diyaaradaha ka bartay Akademiyada Karasnadaar ee dalka Ruushka .

Dalka ayuu dib ugu soo laabtay isagoo xidigle ah. Waxaana la geeyey xerada ciidanka cirka ee Balidoogle. 1980-kii waxa uu qaaday xidigii labaad waxaana loo badalay xeradii ciidanka cirka ee duleedka Kismaayo halkaasoo uu ku bartay duulimaadyada diyaaradaha xamuulka ciidanka.

1984-tii waxa uu qaatay darajada sadax xidigle waxaana loo badalay magaaladda Hargeysa. Waxuuna berigaasi duulin jiray diyaaradaha ciidanka ee loo yaqaano Biyaajo 160 oo  Talyaaniga lagu farsameeyo.

1988-dii waxaa lagu soo celiyey xerada ciidanka cirka ee Kismaayo. Sadax bilood ka dibna waxaa loo badalay Muqdisho oo waxuu cilmi kororsi luuqadaha ah ka bilaabay machadkii la oran jiray OMC oo dowladda Maraykanka ay gacanta ku haysay. Waxuu noqday gaashaanle sare. Isagoo gaashaanle sare ah ayayna burburtay dowladii dhexe.

Jeneral Gorod dowladii Carte ee Cabdiqaasim Salaad ayuu ka noqday wasiirka dekadaha. Labo sano ayuuna hayay xilkaasi.

Jeneraalka waxuu dhalay sideed caruur, waxaa uu ku noolaa UK, gaar ahaan magaalada London.

10 ku laabo mudug24 xiriir

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. NUURKANEDERLAND says:

    TALIYUHU YUU HOOS TAGAA XAQIIQDII???
    DABCAN MICHEAL KAETING BUU HOOS TAGAA MUSHAHARKANA SIIYA CUNAQABATAYN HUBKA AHNA KU HAYA,MAGAC U YAAL KASOO QAAD(HE,SHE,IT,YOU,THEY,…../)
    MICHEAL KAETING YUU METELAA? DABCAN RAGA AY U SHIDAN TAHAY MAQAAYADA LOGU YEERO UNITED NATION-ka UN BUU METELAA WAANA INTA AY HORBOODAYAAN USA & UK.KKKKKKKKKKKKK.
    QAYRAADKEENII BAYNU CUNI WEYNAY INAGOO IS OGOL MARKAA IN NALKAAKU DUL CUNO WAY DHACAYSAA.

  2. NUURKANEDERLAND says:

    TALIYUHU YUU HOOS TAGAA XAQIIQDII???
    DABCAN MICHEAL KAETING BUU HOOS TAGAA MUSHAHARKANA SIIYA CUNAQABATAYN HUBKA AHNA KU HAYA,MAGAC U YAAL KASOO QAAD(HE,SHE,IT,YOU,THEY,…../)
    MICHEAL KAETING YUU METELAA? DABCAN RAGA AY U SHIDAN TAHAY MAQAAYADA LOGU YEERO UNITED NATION-ka UN BUU METELAA WAANA INTA AY HORBOODAYAAN USA & UK.KKKKKKKKKKKKK.
    QAYRAADKEENII BAYNU CUNI WEYNAY INAGOO IS OGOL MARKAA IN NALAKU DUL CUNO WAY DHACAYSAA IYANA WAY JIRTAA,GEELAA LOOGU HEESAA:-
    (WALEE TOOYOOY TASHAN WEYDAYE WAA LAGUU TALIN)




ad

Dhageyso Jawaab Hadalka Madaxweynaha Puntland oo Wacad ku maray in Maamul Cusub u sameenayo Gobolada Sool Sanaag iyo Ceyn..
- Dec 15, 2017
Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduwali Maxamed Cali Gaas ayaa wacad ku maray in uu Maamul ...
Dhageyso Taliyaha Ciidanka xooga Dalka General Gorod oo Gaalkacyo kula Hadlay warbaahinta..
- Dec 15, 2017
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod ayaa shalay gaaray ...
Madaxwayne Xaaf oo Dhax-dhaxaadin Ka Wada Galkacayo Si Loo Dhameeyo Khilaafka Laba Beelood.
- Dec 15, 2017
Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Ducaale Geele (Xaaf ) ayaa la sheegayaa in qeybo ka ...
Maraykanka oo Hakiyay Gargaarka uu siin jiray Ciidamada Xooga Dalka.
- Dec 15, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay joojisay gargaarka ay siiso Ciidamada qalabka sida ee ...
Ra”isul Wasaare Khayre oo Cambaareeyay Qaraxii Janaral Kaahiye.
- Dec 15, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa weerarkii ismiidaaminta ee maanta ...
Diyaaradaha Dagaalka Isra’iil oo Duqeyn Culus Ka fuliyay Marinka Qaza (Sawiro)
- Dec 15, 2017
Diyaaraddaha yahuudda Israel ayaa duqeeyn culus u geestay Marinka Qaza waxyar un kadib ...
Xasan Shiikh Maxamuud “Alshabaab oo Cadawga Umada Soomaaliyeed ee Ha loo midoobo.
- Dec 15, 2017
Madaxweynihii hore ee soomalia xasan shiikh maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay askartii ku dhimatay Weerarkii ...
Madaxwayne Xaaf iyo Taliyaha Xooga Dalka oo Galkacayo Maanta la Kulmay Sarakiil Cadaan ah (Sawiro)
- Dec 15, 2017
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf iyo Taliyaha ciidamada xooga dalka gen.Cabdiwali jaamac Gorod ...
Taliyaha Ciidanka Boliiska iyo Gudoomiye Taabit oo Isbitaalka Ku Booqday Ciidamadii Maanta Qaraxa Ku dhaawacmay (Sawiro)
- Dec 15, 2017
Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ahan Ku simaha Taliyaha Ciidamada Boliiska Gen Muqataar ...
Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo Shaaciyay Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca Qaraxii Gen” Kaahiye.
- Dec 14, 2017
Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumay ayaa Faah Faahiyay Tirada Ku dhimatay Kuna ...
War Deg Deg Ah Kooxda Shabaab oo war kasoo saartay Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho..
- Dec 14, 2017
War ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyada weerarkii ismiidaaminta ahaa ...
Qof Dhalinyaro ah oo Xalay lagu dilay Wadada Bile Rafle ee Magaalada Gaalkacyo..
- Dec 14, 2017
Nin dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay jidka bile raflle ee Gaalkacyo" Marxuumkan oo lagu ...
Akhriso Warsaxaafadeed Gudoonka labada Aqal oo Khilaaf Xoogan soo Kala dhex-galay.
- Dec 14, 2017
Khilaaf iyo loolan dhanka awoodda ah ayaa ka soo if baxay Guddoonka Labada Gole ...
Deg Deg:- Qarax ismiidaamin ah ayaa Lagu Galay Xarunta Gen Kaahiye ee Ciidanka Boliiska Xili ay Wadeen Diyaar garoowga Dabaal dega.
- Dec 14, 2017
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo saakay aroortii hore ...
War Deg Deg Ah Weerar ka Dhacay Deegaanka Taaroge oo Khasaaro ka dhashay..
- Dec 14, 2017
Wararka ka imaanaya Deegaanka Taaroge ayaa sheegaya in Halkaasi uu ka dhacay weerar Xoogan. Weerarka ...

Facebook/Twitter

-----------------------------------------------------------------

ad


%d bloggers like this: