Home Wararka Somaliya Galmudug War Deg Deg ah: Ciidmada Darawiishta Galmudug oo si Buuxda ula Wareegay...

War Deg Deg ah: Ciidmada Darawiishta Galmudug oo si Buuxda ula Wareegay Magaalada Camaara

0

Ciidanka Darawiishta Galmudug iyo Kuwa Deegaanka ee loo yaqaano difaaca shacabka ee dadka deegaanka ayaa hadda si buuxda ula wareegay magaalada Camaara ee gobalka Mudug.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala oo hadda ku sugan magaalada Istaraatijiga ah ee Camaara ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in magaalada si buuxda loola wareegay ka dib markii saddex jiho ay ciidamadu weerar uga qaadeen.

Camaara ayaa Waxaa in Mudo ah Maamulaayay Alshabaab Majirto Wax Dagaak ah oo Ka Dhacay Magaalada Camaara Balse alshabaab ayaa Isaga Baxay Kadib Markii ay ka War Heleen in Ciidamda Beesha Sure Sacad iyo Saleebaan oo is Garabsanaaya ay kusoo Wajahan yihiin.

Kahor inta aysan Ciidmada Darawiishta Galmudug galinĀ  Gudaha Magaalada Camaara aya Waxa ay Qarxiyeen Minooyin Alshababa ku Aaseen Wadooyinka Soo Gala Magaalada Camaara.

Ad
Previous articleQarax lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan kuwa dawladda
Next articleTaliyayaal Cusub oo loo Magacaabay Ciidanka Xooga Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here