Home Wararka Maanta Markii Ay Soo Muslimtay laba Maalin kadib ayay Ku geeriyootay Magaalo aan...

Markii Ay Soo Muslimtay laba Maalin kadib ayay Ku geeriyootay Magaalo aan Qof ehel ah u joogin kadib Maxaa Dhacay?

0

Qabuurahan idiin muuqda waa Dubai waxaa lagu aasay Daria Kotsarenko, oo u dhalatay dalka Ukraine, todobaadkii hore ayay qaadatay diinta Islaamka balse laba maalin kadib way geeriyootay weliba iyadoo sooman sida la wariyay. Waxaa ku soo booday wadno xanuun.

Sheekada Daria ayaa aad ugu faaftay baraha bulshada dowladaha Carabta, waxaa la sheegay inay dalxiis u timid Dubai kadib waxay ka heshay habka loola dhaqmay iyo quruxda Islaamka taasna ay sababtay inay qaadato Islaanimmada.

Waxay ahayd 29 jir, wax qoys iyo qaraabo ah kuma lahayn Dubai, markii sheekadeeda la faafiyay waxaa aaskeeda ka qeyb galay kumanaan qof si ay ugu muujiyaan duco iyo garab istaag.

Ad
Previous articleGalmudug oo Gacanta Kusoo Dhigtay Gacan ku Dhiigle Baxsad ahaa(Sawiro)
Next articleXasan Shiikh oo Jeneraalkii Asaga iyo Caruurtiisu Alshabaab La Dagaleen oo Ku Dhex Dalacsiiyay Degmada Xarardheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here