Home Wararka Maanta SSC oo Sheegtay inay Maxakamad soo Taagayso Taliye Faysal Cali Bootaan ee...

SSC oo Sheegtay inay Maxakamad soo Taagayso Taliye Faysal Cali Bootaan ee Jimcihii lagu Qabtay Goojacade

0

#UPDATE: Hoggaanka maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay in Maxbuus Jen, Faysal Cabdi Bootaan ay la wareegeen Hay’addaha amniga iyo kuwa Cadaaladda ee SSC-Khaatumo, ka dibna la dhigay Xabsi ciidan, iyadoo sidaas oo kale maxaabiista kalena xabsiyada la geeyey, kuwa dhaawacana Isbitaalada lagu dabiibayo, sida lagu sheegay qoraal goor dhaw soo baxay.

Sida ay xaqiijinayaan Tiro koob cusub oo aan wali la shaacin ayaa Maxaabiista guud ka dhigay in ka badan 340 Maxbuus, oo ay ku jiraan Jeneraalo, Korneylo dagaal iyo taliyayaashii guutooyinka ciidanka Somaliland.

Sidaas oo kale dhimashada, ilaa hadda ay culumada iyo Hay’adda Bisha Cas aaseen ee ciidanka Somaliland ayaa kor u dhaaftay 250 meyd oo la helay.

Ad
Previous articleLiibaan Maxamed Yuusuf oonSi Arxan Daran u Dilay Xaaskiisa oo Xukun Adag lagu Riday
Next articleBeesha Caalamka oo Warsaxafadeed kasoo Saartay Dagaalkii Goojacade looga saaray Soomaaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here