Home Wararka Maanta Dowlada Somalia ahaa war ka soo saartay qarax ismiidaamin ah oo saaka...

Dowlada Somalia ahaa war ka soo saartay qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay xarunta Kuliyadii hore ee ciidamada Jaalle Siyaad

0

Dowlada Somalia ahaa war ka soo saartay qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay xarunta Kuliyadii hore ee ciidamada Jaalle Siyaad oo ay ku xareysan yihiin ciidamo ka tirsan xoogga dalka

War ka soo baxay Taliska ciidanka dhulka XDS ayaa lagu sheegay in Abaare 08:21 Subaxnimo la toogtay nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga gelo kuliyadda Jaalle Siyaad.

“Ciidanka XDS ayaa naftii haligaha isku soo xiray waxyaaba qarxa ku toogtay inta aanu soo gaari albaabka hore Jaalle Siyaad” ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska xoogga dalka

Sidoo kale Taliska ciidanka dhulka XDS ayaa cadeeyey inaanu jirin wax qasaara ah oo gaaray ciidanka marka laga reebo ninka ciidanku toogteen ee isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo keligiis ku dhintay weerarkaas.

Al-shabaab oo looga bartay qaraxyada noocan ah ayaan illaa hadda sheegan, wax war ahna  ka soo saarin qaraxan ismiidaaminta ah.

Ad
Previous articleXoghayihii arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman oo shaqada laga eryay kadib Markii ay kasoo Horjeesatay Falastiin
Next articleCiidamo Katirsan Gor gor oo Markale Maantay Gaaray Koonfurta Gobalka Mudug iyo Dhaqdhaqaaqyadii Udanbeeyey oo Socda(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here