Home Wararka Somaliya Ciidanka Gotr Gor oo gaaray Deegaano Hoos-taga Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

Ciidanka Gotr Gor oo gaaray Deegaano Hoos-taga Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

0

Ciidamada Gorgor ayaa galabta lagu arkay deegaanka Qararoow oo hoos taga degmada Hobyo, halkaas oo fadhiisin difaac u aheyd ciidamada Galmudug.

Ciidamadaan maanta gaaray Qararoow ayaa shalay soo gaaray degmada Wisil, halkaas oo qado loogu sameeyay, waxeyna isla galabta usoo ruqaansadeen furimaha hore ee dagaalka Koonfurta Gobolka Mudug.

Dhanka kale wararka laga helaayo degmada Wisil ayaa sheegaya in uu gaaray Taliyaha ciidamada lugta Biixii iyo saraakiil kale, xilli ay xalay Gaalkacyo gaareen ciidamado aad u hubeysan oo Muqdisho ka baxay, kuwaas iyana kusii jeeda degmada Wisil.

Ad
Previous articleWar Deg Deg Ah: Putland oo ku Dhawaaqday inay tahay Dowlad ka Madax Banaan Dowlada Federaalka
Next articleMaxay ka dhigan tahay tallaabada cusub ee Mareykanku uu Hubka Ku siiyay Ciidamada Soomaalida?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here