Home galmudug Dhagayso Madaxwayne Xaaf ” Waxaan Weerar Cir Iyo Dhul Ah Ku Qaadi...

Dhagayso Madaxwayne Xaaf ” Waxaan Weerar Cir Iyo Dhul Ah Ku Qaadi Doonaa Ururka Alshabaab

1
SHARE

Madaxwaynaha galmudug axmed ducaale geele xaaf ayaa markii ugu horaysay sheegay in maamulkiisu uu qaadi doono dagaal ka dhan ah ururka alshabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan galmudug kuna yaala gobalada mudug iyo galgaduud

Axmed ducaale geele xaaf madaxwaynaha dawlad gobaleedka galmudug ayaa carabka ku adkeeyay in haatan la diyaarinayo ciidankii weerari lahaa alshabaab dhawaana galmudug ay qaadi doonto dagaal dhan walba ah oo alshabaab lagaga xoraynayo deegaanada ay ka joogaan galmudug

Ururka alshabab ayaa gacanta ku haya dagmooyin badan oo ka tirsan galmudug kuna yaala gobalada mudug iyo galgaduud waxaana ka mid ah goobaha ugu waa wayn ee alshabaab haatan ay galmudug ka joogaan  magaalooyin xarardheere iyo ceelbuur oo gacanta ugu jira xarakada alshabaab

Madaxwaynaha galmudug ayaa sidoo kale ka hadlay wixii u qabsoomay tan iyo markii loo doortay madaxwaynaha galmudug asagoona soo hadal qaaday wada hadalada ahlusuna iyo galmudug

Hoos Ka Dhagayso Waraysiga Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf 

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here