Home Wararka Maanta Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo Cabasho Uu ka Qabo Beesha Abgaal Banaanka...

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo Cabasho Uu ka Qabo Beesha Abgaal Banaanka Soo Dhigay

0

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in beeshiisu cabasho ka tahay Abgaal, isagoo ku eedeeyay inay ku sameysay sad-bursi.

Macalimuu oo ka hadlayay dhismaha golaha deegaanka Jowhar ayaa sheegay in aan hal kursi laga siinin beeshiisa oo deegaan iyo ganacsiga ku leh magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in xilligii hore ay saddex kursi kulahaayeen golaha deegaanka Jowhar, haddase oo ay kasii bateen sidii hore loo diiday, wuxuuna arrintaas ku eedeeyay Abgaal.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in xittaa magaalada Muqdisho lagu dulmiyay, isla-markaana aan laga siin gobolka Banaadir hal guddoomiye degmo, sida uu ku dooday.

“Beesha Baadicadde ganacsi muuqda iyo deganaansho baaxad leh ayay ku leedahay caasimadda Muqdisho ,sidaa oo ay tahay Abgaal ayaa Beesha Baadicadde u diiday in hal Guddoomiye degmo ama hal Agaasime ay Gobolka Banaadir ku lahaadaan,waayo Abgaal ayaa had iyo jeer ah Guddoonka Gobolka Banaadir” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaanku.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in aysan dowladdu ku laheyn agaasime guud iyo safiir, taasina ay tahay xad-gudub lagu hayo beesha Baadicadde, sida uu hadalka u dhigay.

“Xilligan la joogo hal Agaasime Guud beesha kuma laha Dowladda Federaalka . Sidoo kale hal Safiir kumą laha Dowladda Federaalka. Ma jirto hey’adaha Dowliga mid ay beesha Masuul ku leenahay iyo dhamaan guddiyada qaran ee dhisan” ayuu markale yiri Macalimuu.

Halkan hoose ka akhriso:-

Abgaalow sidan nama qabato! Ilko waa nin waayay iyo nin ay isaga dul dhasheen!

Beesha Baadicadde 1954-tii xilligii daakhiliyadda Gollaha Deegaanka ee Jowhar waxeey ku lahaayeen sadax xubnood , maanta oo dadka iyo deegaanadu kordheen Abgaal ayaa Baadiacdde u diiday in ay hal xubin ka helaan Gollaha deegaanka Jowhar . Fiiri warqadda ku lifaaqan halkan sidii 1954-tii beelahu ay Gollaha deegaanka Jowhar u kala lahaayeen xilligaa.

Beesha Baadicadde ganacsi muuqda iyo deganaansho baaxad leh ayay ku leedahay caasimadda Muqdisho ,sidaa oo ay tahay Abgaal ayaa Beesha Baadicadde u diiday in hal Guddoomiye degmo ama hal Agaasime ay Gobolka Banaadir ku lahaadaan,waayo Abgaal ayaa had iyo jeer ah Guddoonka Gobolka Banaadir.

Xilligan la joogo hal Agaasime Guud beesha kuma laha Dowladda Federaalka . Sidoo kale hal Safiir kumą laha Dowladda Federaalka. Ma jirto hey’adaha Dowliga mid ay beesha Masuul ku leenahay iyo dhamaan guddiyada qaran ee dhisan.

Waxaa intaa dheer ilaa 3 jago hoose oo reerka laga qaaday tan iyo imaatinkii Dowladdan ayaa weli maqan oo wax badalkoodii aan la ogolaan.

Dad baa laga yaabaa in maankoodu ay ku soo dhacdo Wasiir Beene Beene oo Wasiirka Qorsheynta ah hadda , waa uga mahad celineynaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaadse ogaataan Wasiir reerkan waa lahaayeen wixii burburkii ka dambeeyay. Dr Muumin aya noqday Wasiirka Caddaalada ,C/kariin Axmed Cali ayaa noqday Wasiirka Lacagta ,Axmed Abroone Amiin ayaa noqday Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka DKMG, Axmed Cumar Gaagaagle ayaa Wasiirka Boostada DKMG , Dr Mohamed Ali Ibrahim ayaa Wasiirka Gargaarka ahaa, Dr Abdirahim Abiikar ayaa Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada noqday, Inj Nadiifo M. Osman ayaa soo noqotay Wasiirka Howlaha Guud , Inj Cabdi Cashuur Wasiirka Boosatada , Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar Wasiirka Ganacsiga.
Tolnimo hadeey jirto Abgaalow saan nama qabato ee sidan noo dhaama.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu

Ad
Previous articleCiidamo lakala Dhex Dhigay Beelo Dhawaan ku Dagaalamay Galmudug
Next articleAskar lagu eedeeyey Fulaynimo oo kasoo muuqday Maxkamad ku Taal Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here