Home Wararka Maanta Askar lagu eedeeyey Fulaynimo oo kasoo muuqday Maxkamad ku Taal Muqdisho

Askar lagu eedeeyey Fulaynimo oo kasoo muuqday Maxkamad ku Taal Muqdisho

0

Militariga Uganda ayaa sheegay in maxkamad militari ay Muqdisho ka billowday maxkamadeynta laba sarkaal oo sare oo lagu eedeyey “fulaynimo” kadib werarkii dhimashada badnaa ee Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Buulo-Mareer, bishii May.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida, oo uu guddoominayo Sarreeye Guuto Robert Mugabe, ayaa maxkamadeyneysa Maj Steven Oluka iyo Maj Zadock Obor, oo taliyeyaal ka ahaa laba saldhig militari oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

Waxaa lagu soo oogay laba xisaab dacwadeed oo ah fulaynimo kadib markii weerarkii Al-Shabaab lagu dilay 54 askari oo Ugandan ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska militariga Uganda ee Kampala.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in labada taliye sare aysan ku dhiirigelin saraakiisha ciidamada iyo askarta ka amar qaata inay si geesinimo leh u dagaalamaan markii ay iska horyimaadeen Al-Shabaab 26-kii May.

Afar saraakiil xigeen oo kale ayaa sidoo kale loo maxkamadeynayaa inay ku guuldarreysteen inay ilaaliyaan agabka dagaalka, taasi oo ka soo horjeedda sharciga ciidamada Uganda (UPDF), ayaa lagu yiri bayaanka.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Uganda, oo caadiyan fadhigeedu yahay Makindye ee caasimadda Kampala, ayaa muddo labo toddobaad ah fadhi ku yeelan doonta Soomaaliya, si ay kiiskan u qaado.

“Maxkamadda guud ee ciidamada qalabka sida waxay awood u leedahay inay dacwadaha ku qaado meel kasta oo gudaha iyo dibadda Uganda ah, oo ay ciidamada UPDF ka howlgalaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Mugabe.

“Dhammaadka fadhiyada, ciddii lagu helo dambiga waxa lagu xukumi doonaa xukunno ku habboon, ciddii lagu waayo dambigana waa la sii dayn doonaa.”

Askarta Uganda ayaa la laayey kadib markii ururka Al-Shabaab ay cagta mariyeen Saldhig Ciidan oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo ku yaalla deegaanka Buulo Mareer oo qiyaastii 120 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Muqdisho.

Ayada oo ay wehliyaan Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, Uganda waxa ay ka mid tahay dalalka ciidamada ku tabaruca howlgalka ATMIS ee dagaalka kula jira argagixisada Soomaaliya.
Ad
Previous articleXildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo Cabasho Uu ka Qabo Beesha Abgaal Banaanka Soo Dhigay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Danab Iyo Booliska Hirshabeele oo ku Dagaalamay Jowhar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here