Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamo lakala Dhex Dhigay Beelo Dhawaan ku Dagaalamay Galmudug

Ciidamo lakala Dhex Dhigay Beelo Dhawaan ku Dagaalamay Galmudug

0

Dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta qaatay tallaabo deg-deg ah ayaa ciidamo dheeraad ah gaystay deegaanka Xananbuure oo hoos yimaada magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ciidamadan oo ka shaqeyn doono ammaanka ayaa ka hortegaya xiisad beeleed dhawaan kasoo cusboonaatayu deegaankaasi, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale ciidamada ayaa kala qaaday maleeshiyaadka labada dhinac oo muddo dheer isku horfadhiyay halkaasi, kuwaas oo kasoo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Saraakiisha horkaceysay ciidamadan ayaa sidoo kale soo saaray awaamir culus oo lagu adkeynayo amniga deegaankaasi, si looga hortego dagaal mar kale ka dhacay halkaasi.

Waxaa sidoo kale deegaanka laga mamnuucay in hub lagu dhex qaato marka laga reebo lamaha ammaanka, waxaana ujeedadu tahay xakameynta colaadda Xananbuure.

Mas’uuliyiin ka socota maamullada labada degmo ayaa sidoo kale ku sugan deegaanka, iyaga oo ka shaqeynaya in xal waara laga gaaro colaad beeleedka.

Deegaankan ayaa waxaa ragaadiyey codaaladda muddada dheer ka jirtay waxaana ka muuqda dib u dhac weyn iyo burbur, iyada oo dad tiro yar ay ku sugan yihiin deegaanka.

Si kastaba, colaadan ayaa sidoo kale sababtay dilka ganacsatadii maalmo kahor lagu toogtay magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Sheekh Xasan DiirShe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo laduba dilkooda caro ka abuuray Galmudug.

Ad
Previous articleCiidamado Macawislay Hor leh oo Farabadan oo kusoo Biiray Dagaalka Kasocda koonfurta Gobalka Mudug(Sawiro)
Next articleXildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo Cabasho Uu ka Qabo Beesha Abgaal Banaanka Soo Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here