Home galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo markale ku Xifaaltamaya...

Axmed Macalin Fiqi iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo markale ku Xifaaltamaya Doorasho kale…

0

labada siyaasi ee Galmudug kasoo jeeda Axmed Maalin Fiqi iyo Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa la filayaa in markale ku hardamaan mid kamid ah siyaasadaha Dalka Somaliya,

Siyaasiyiinta ayaa dhawaan ku loolamay doorashada ka dhacday Magaalada Cadaado ee loogu soo baxay Xildhibaanada Somaliya ee kasoo jeeda dhanka Galmudug.

Axmed Macalin Fiqi ayaa markaasi ku guuleestay Xubintaasi laga rabay beelaha Habargidir hase yeeshee waxa uu ku helay isagoo aan galin doorasho cadaalad ah madama Axmed Ducaale Geele xaaf uu ka baxay doorashada,

labadaasi masuul ayaa ka heshiiyay khilaafka dhexdooda kadib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo ka qeyb galeen nabadoono kasoo jeeda beesha,

Xifaaltanka labada siyaasi ayaana markale dib u soo laabtay madama markale ay isku soo sharaxeen Madaxweynaha Galmudug oo dhawaan la qabanayo,

Xog ay heshay mudug24 ayaa muujineysa in ay dhici karta in xilaaftan xoogan uu ka bilaabandoono magaalada cadaado oo hada ka socota qaban qaabada doorashada Madaxweynaha.

Axmed Macalin Fiqi iyo Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa ah labo siyaasi oo aad uga dhex muuqda siyaasada somaliya oo hada mareysa xaalad adag,

dadka siyaasada Galmudug falanqeeya ayaa aaminsan in Axmed Fiqi uu noqon karo shaqsi ku soo bixi kara Madaxweynaha Galmudug inkastoo dhici karto in ninkasta uu jeebkiisa uu ku ciil baxo isla markana codka ku helo,

isa soo sharixida axmed Fiqi waxay mugdi galisay rajada siyaasiyiin badan oo isku soo sharaxay madaxweynaha Galmudug madama masuulkaasi uu heesto taageero xoogan oo dhanka xisbigiisa.

Wixii ku soo kordha kala soco Mudug24

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here