Home Wararka Maanta Turkiga Oo Wacad ku maray inuu Itoobiya Ka Difaaci Doono Xeebaha Soomaaliya

Turkiga Oo Wacad ku maray inuu Itoobiya Ka Difaaci Doono Xeebaha Soomaaliya

0

Madaxweynaha Turkga Rajep tayyib Erdogan oo ku sugan Qaahira ayaa ballan qaaday in ay difaacayaan madaxbannaanida Soomaaliya oo ku jirto tan dhulka, cirka iyo badda ee Soomaaliya.

Erdogan oo dalkiisu heshiis difaac la galay Soomaaliya ayaa yiri: “Waxaan wada hadalnay Liibiya, Soomaaliya iyo Suudaan, waxaanuna ku heshiinnay ilaalinta xornimada iyo midnimada dalalkaas.”

“Waxaan si buuxda u taageersanahay midnimada, wadajirka dhuleed iyo nabadda saddexdan dal ee aan walaalaha nahay” ayuu kusii daray.

Booqashada Erdogan ee masar oo imaanaysa 12 sano kadib markii uu xumaaday xiriirka labada dal oo dhawaanahan soo wanaagsanaanayey ayaa ka hadlay wadamada ay xulufada yihiin iyo kuwa kale Islaamka ee dhibaatooyinka ku dhex jira.

“Waxaan go’aansannay in aan kordhino xiriirka aan la leenahay Masar heer kasta oo ay tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Erdogan.

Heshiiska Difaac ee Turkiga iyo Soomaaliya

Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Turkiga ayaa siddeeddii bishan Febraayo kala saxiixday heshiis isugu jira mid difaac iyo iskaashi dhaqaale, iyadoo sida la sheegay, ‘sare loogu qaadayo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal ka dhaxeeya iyo deganaanshaha gobolka’.

Yasar Guler, wasiirka difaaca ee Turkiga, iyo dhiggiisa Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa heshiiska ugu kala saxiixay labada dal, xaflad ka dhacday caasimadda Turkiga ee Ankara.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Turkiga – Anadolu, labada dhinac waxay yeesheen kulamo dhex maray wufuuddooda.

“Soomaaliya waa bahwadaag Afrika oo muhiim u ah Turkiga. Wadahadallo waxtar leh ayaan dhigayga la yeeshay. Wadaxaajoodkeenna oo ku dhacay jawi diirran, xiriirkeenana sii wanaajiyey, ayaan ku celinay mar kale muhiimadda aan siinayno gobanimada iyo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Yasar Guler kulanka ka dib.

Ilo oo milateriga Soomaaliya ku dhow oo magacooda ka gaabsaday in aan soo xiganno, ayaa BBC u sheegay in qodobada heshiiska ay ka mid yihiin “in Turkigu uu Soomaaliya siinayo hub culus”, laakinse lama oga ilaa hadda nooca hubka iyo tiradiisa.

Waxaa kale oo ay BBC-du ogaatay in uu jiro qorshe kaas barbar socda oo “ciidanka badda ee Turkiga ay markab ama maraakiib dagaal u soo diri doonaan badda cas”.

Inkastoo aysan labadaas arrimood BBC si madax banaan u xaqiijin, misna heshiiska difaaca ee labada dal dhex maray ayaa ku soo aadayaya ayadoo weli ay taagan tahay xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriirta hesiiskii is afgarad ee 1dii Janaayo dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, kaasoo dhigayey in Itoobiya ay saldhig ka samaysato badda cas, taa beddelkeedana ay aqoonsanayso Somaliland.

Waxaa kale oo heshiiskan uu ku soo aadayaa ayadoo badda cas ay ka socdaan hawlagallo milateri oo ciidamada uu Maraykanku hogaaminayo ay kaga hor jeedaan Xuutiyiinta Yemen ee bar-tilmaameedsanaya maraakiibta isticmaasha marin biyoodka Baabul Mandab.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Weerar lagu Qaaday Wasarada Gashaandhiga Soomaaliya
Next articleNin sheegtay dhakhtar dadka Soomaaliya caawiya oo dumar uu shukaansaday lacag ka dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here