Home Wararka Maanta Nin sheegtay dhakhtar dadka Soomaaliya caawiya oo dumar uu shukaansaday lacag ka...

Nin sheegtay dhakhtar dadka Soomaaliya caawiya oo dumar uu shukaansaday lacag ka dhacay

0

Dadka ninkaan u gacan galay ee ku dhacay dabinkiisa waxaa ka mid ah, haweeneey lagu magacaabo Mary Chater oo sheegtay in Facebook uu ka soo wacay turufatoorahaan sheegta in uu dhaqtarka yahay, waxa uuna bilaabay in uu shukaansado isaga oo adeegsanaya erayada ay kamid ka yihiim: “Babe, macaanto, uuna sidaas qalbigeeda u soo jiitay”.

Chatar oo ah 65 sano jir ayaa sheegtay in ninkaani isku soo beegay markii uu dintay ninkeedii oo ahaa jilaa lagu magacaabi jiray Julian Curry, oo wax ka dhigi jiray ruwaayad ka soo bixi jirtay talafishinka.

“Waxaa ila soo xiriiray nin isku magacabaay Dani. Waxa uu sheegay in uu in uu yahay dhaqtar dhimirka daweeya oo u shaqeeya xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,” ayay tiri.

Xiriirkaas ayay sheegtay in uu socday muddo labo sano ah.

Wuxuu u ekaa nin aan sanad ka hor dalxiis wada aadnay. Waxaa ku jeclaadayba in uu waqtigiisa u huray caawinta dadka kale, naxariistiisa ayaa isoo jiidatay,”.

Gudaha Ingiriiska ayaa la sheegay in uu sare u kacay turufatoornimada la isku dhaco ee xiriirka iyo jacaylka loo adeegsado, ilaa 60% ayaa la sheegay in uu kor u kacay muddo afar sano ah.

Kaliya gudaha England iyo Wales in laga soo tabiyay ilaa 7,660 kiis sanadkii la soo dhaafay, iyada oo sanadkii 2019 kii ay ahaayeen kiisasku 4,842 kiis, sida ay sheegayso xogta ay heshay BBC du.

Aan ku noqono Charter, waxa ay sheegtay nin ahaa Dani ahaa uu bilaabay in uu waydiisto lacago, isaga oo ku marmarsiyoonaya in uu u baahan lacag uu ku kabo cilmi baaris uu ka sameynayo xaalada mahadhada ee ka daweeyo dadka Soomaalida ah.

Inkasta oo ay isku dayday in ay lacago u dirto, hadana bankigii ay isticmaaleysay Charter ayaa arrinta soo faragaliyay waxayna hakiyeen dhawr lacag oo ay diri rabtay.

Waxay sheegtay in Dani uu isticmaalayay masawir uu leeyahay Christian Gerhard Boving oo ah dhaqtar run ah oo qoyskiisu dagan yihiin Denmark. Christian Gerhard Boving, ayaa sheegay in turufatoorayaashu ay sawirkiisa isticmaalayeen muddo toban sano ah, sida uu u sheegay BBC da.

Wuxuu yiri: “ Markiiba si dhaqso leh ayay u xadeen tuugo badan sawiradeyda, si ay ugu qiyaameeyaan dad masaakiin ah oo dunida daafaheeda ku nool”.

Boving ayaa ugu baaqay shirkadaha internet ka sida Meta – oo iska leh Facebook iyo Instgram – in ay wax ka qabtaan arrintaan.

“Waa in uu jiraa nidaam lagu xaqiijin karo in qofku yahay mid dhab ah, sida uu in isticmaalo baasaboor ama ruqsadda gaari wadista, si ay aad u ogaato in qofku yahay mid jira iyo in kale,” ayuu yiri.

Khabiir sare oo ka hor tagta arimaha dhaca shukaansiga lagu geysto ayaa qabta, “In dadku ay inta badan ka xishoodaan soo gudbinta kiisaska nuucaan oo kala ah marka ay ku dhacaan, iyaga oo dareema ceeb iyo yaxyax.

“Waxaan la xiriirnay dad badan oo la kulmay dhibaatooyin nololeed oo ay u gaysteen tuugadu, oo ay ka qaateen kumanaan lacag ah, hadana dadkaas ayaa dareema ceeb in ay sheegaan wixii ku dhacay ama xataa ay la wadaagaan qoyskooda iyo saaxiibadood.”

Guud ahaan booliska ayaa sheegay in ay arkeen koror ku aadan arrintaan oo jira intii u dhaxeysay sanadihii 2019 kii ilaa 2023 dii, balse dawladda ayaa sheegtay in dhaca nuucaan ah uu hoos u dhacay 12% sanad gudihiis.

Todobaadkaan dawladda ayaa hirgalisay xayaysiis wayn oo ay hordhac u ah olole ay doonayaan in lagula dirir kuwa dhaca nuucaan ah gaysta.

Wasiirka arimaha gudaha ee Ingiriiska James Cleverley ayaa yiri: “ Ololahaan balaaran wuxuu noqon doonaa hanaan aad u xoogan oo ka mid noqon doona hubka aan adeegsan doono, taas oo ayba ku jiraan heshiisyada ugu horeeyay ee shirkadaha tiknoolajiga ee looga hortagayo dhaca online ka ah iyo sidoo kale heegan galinta Cutubka la dagaalanka Turufatoornimada ee Qaranka, kaas oo leh ilaa iyo 400 oo khubaro waxbaarta ah.”

Ad
Previous articleTurkiga Oo Wacad ku maray inuu Itoobiya Ka Difaaci Doono Xeebaha Soomaaliya
Next articleMaraykanka oo 5 Saldhig oo Cusub ka Furamaaya soomaaliya iyo Xasan shiikh oo Ogalaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here