Home Wararka Maanta Xildhibaan Odowaa oo si adag ugu hadlay qaddiyada Falastiin iyo dagaalka hada...

Xildhibaan Odowaa oo si adag ugu hadlay qaddiyada Falastiin iyo dagaalka hada ka socda Qasa.

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa si adag ugu hadlay qaddiyada Falastiin iyo dagaalka hada ka socda Qasa.

Odowaa oo la hadlayey arday qalin badalanaysay ayaa xusay in xiisadda hadda Qasa ka taagan ay tahay mid caalamka oo dhan indhaha ku hayaan.

Wuxuu tilmaamay in arrinta Qasa ay muhiimad u leedahay Soomaaliya caalamka muhiimad gaara u leh.

‘‘Waa masuuliyad daro iyo akhlaaq xumo in qof Soomaali ah dhaho maxaa naga galay Falastiin, wax badan baa naga galay, walaalo ayaan nahay, markay xanuunsadaan waa inaan xanuunsannaa, markay farxaana waa inaa faraxnaa“ ayuu si caro leh u yiri Xildhibaan Odowaa oo mar xubin ka soo noqday golaha wasiirrada Soomaaliya.

Dadkaas xerada lagu xiray sawaariikh ayaa lala dhacayaa mana haystaan meel ay u baxsadaan iyiomeel ay u furan. Dhiigeena iyo dhacaankeena weeye Falastiin, waana in aan u hiilinaa, balse anigu kama mid ihi kuwa madaxa foorarinaya, ee waan inaan ugu yaraan ducaynaa“ ayuu intaas raaciyey.
Xildhibaan odowaa ayaa dowlada iyo shacabka soomaalida ugu baaqay in sida yihiin si ka weyn dadkaas loogu gurmado oo caawinaad loo aruuriyo Falastiin oo xilligan ku jira waqti adag ayna ku socdaan duqaymaha aan loo meel dayin ee diyaaradaha Israa’iil ka gaysanayaa Qasa.

“Haddaan dowlad nahay iyo hadan ganacsato nahay iyo haddaan shacab nahayba aan wax isugu darno dadkaa wixii lagu caawin karo waa inaan ku caawinaa ha loo geeyo“ ayuu yiri Cabdirixmaan Odowaa.

Isagoo sii hadlayey Xildhibaan Odowaa ayaa xusay inay masuuliyad daro tahay in qof Soomaali ah dhaho maxaa naga galay.

‘‘Sodon sano ka badan oo an dhib ku jiray waxaa imaanayey gargaar ka imaanayey Kuweeyt,Ciraaq,Sacuudiga raashin keeneyey xiligii caga bararku ka dhacay Soomaaliya ma waxay dhaheen maxaa naga galay miyey na dhaheen“aayu hadalkisa sii raaciyey

Waa hadalkii ugu adkaa ee masuul Soomaali ah ka dhaho xiisada ka taagan Qasa tan iyo 7-dii october markii uu qarxay dagaal u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Ad
Previous articleJeneraal sheegoow oo Markii ugu Horaysay Mudo uu xirnaa Kadib Maxkamad lasoo Tagaayo
Next articleAlshabaab oo Dib u Qabsatay Deegaanka CeelCade ee Gobalka Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here