Home Wararka Maanta Basaaska ugu sareeya Mareykanka oo ka hadlay ficaladii layaabka lahaa ee Wagner

Basaaska ugu sareeya Mareykanka oo ka hadlay ficaladii layaabka lahaa ee Wagner

0

Dagaalka Ukrain waxa uu saamayn “xun” ku leeyahay hoggaanka Vladimir Putin ee Ruushka, sida uu sheegay madaxa hay’adda sirdoonka dhexe ee CIA-da.

Agaasimaha hay’adda William J Burns ayaa sheegay, kalsooni la’aanta Ruushka ee dagaalka ayaa CIA-da siinaya fursado cusub oo oo ay ku ururiyaan sirtooda.

Basaaska ugu sareeya Mareykanka ayaa faallooyinkan ka sheegay mar uu Khudbad sanadlaha ka jeedinayayay Ditchley Foundation oo kutaalla dalka UK.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya kadib toddobaad markii ay dhaceen gabood-falladii uu sameeyay madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin.

Mr Burns waxa uu sheegay in qof kastaa “uu ka xumaaday” muuqaalladii Sabtidii la soo dhaafay ee Prigozhin ee “ loolankii hubaysnaa” ee Moscow, markii ciidamadiisa calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ay u dhaqaaqeen dhanka caasimadda Ruushka.

Ficilada Prigozhin waxay ahaayeen “xusuusin cad oo muujinaya saamaynta xun ee dagaalka Putin ku leeyahay bulshadiisa iyo maamulkiisa”, ayuu yiri.

Ad
Previous articleXubno ay ku jiraan Ajaaniib oo ka goostay kooxda Daacish (Sawirro)
Next articleDowlada Somalia oo lagu xukumay iney bixiso Malaayiin lacag magdhow ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here