Home Wararka Maanta Burcad Dhac ka Gaysanaysay Magaalada Muqdisho iyo Gaadiidkii ay Wateen oo Gacanta...

Burcad Dhac ka Gaysanaysay Magaalada Muqdisho iyo Gaadiidkii ay Wateen oo Gacanta Lagu soo Dhigay(Sawiro)

0
Ciidamada booliiska ee ka howlgala xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho ayaa kordhiyay howlgalada ay uga hortgayaan burcada hubeesan ee dhaca iyo dhibaatooyinka kalaba ku haya dadka shacabka ah.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada booliiska ee ka howlgala saldhigga degmada Yaqshiid ayey kusoo qabteen burcad hubeesan , kuwaa oo dad shacab ah dhac u geesanayay, burcada ayaana adeegsanayay mootooyinka loo yaqaan bajaajta.

Taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada booliiska qabteen labo nin oo burcad ah, kuwaa oo biskoolad iyo toorey dadka ku baaranayay xaafado katirsan degmada Yaqshiid.

Booliiska ayaa sheegay in burcadan gacanta lagu soo dhigay iyo mootooyinkooda loo gudbin doono sharciga, waxa ayna sheegeen booliiska in gacan bir ah lagu qaban doono kooxaha burcada ah ee caadeestay in shacabka dhacaan.

 

Ad
Previous articleYaa amar ku bixiyay in qabuuraha Macallin Nuur laga saaro meydadka?
Next articleToogasho dad lagu dilay oo ka dhacday magaalo kutaalla dalka Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here