Home wararka Dalka Dhageyso Gudiga Doorashada Galmudug oo ka hadlay hadalkii Mareykanka'”

Dhageyso Gudiga Doorashada Galmudug oo ka hadlay hadalkii Mareykanka'”

0

Iyadoo dhawaan Warbaahinta ku hadasha Afka Soomaaliga ay baahinayeen Warqad la sheegay in Dowladda Mareykanka ay u dirtay Galmudug islamarkaana ay ku sheegtay Kuraasta qaar in la Musuq Maasuqay oo Sifo aan Sharci aheyn ay ku soo baxeen Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo Maxamuud Gaafow ayaa Warkaas waxaa beeniyay Guddiga Doorashada dadban ee Maamulka Galmudug.

Afhayeenka Guddiga Doorashada dadban ee Galmudug Yuusuf Diiriye oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in warkaasi uu yahay been aan sal iyo raad laheyn islamarkaana ay Muwaadiniintaas ku soo baxeen si Sharci ah oo Waafaqsan Nidaamka u degsan Doorashada.

“Waxaan u sheegeynaa dadka warkaas wada in aysan jirin Kuraas dib loogu laabanayo in mar kale la doorto,waayo Doorashadu waa mid ku dhacday si hufan oo Xalaal ah,Doorashadana waxaa leh Soomaaliya si Caddaalad ay ku dheehan tahayna wey ku dhacday”ayuu yiri Afhayeenka Guddiga Doorashada Galmudug.

Halkan hoose ka dhageyso

riix

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here